Diyaaradihii Qaadka ka keeni jiray Kenya oo aan saaka imaan Muqdisho

0
100

Diyaaradihii subax walba qaadka ka keeni jiray dalka Kenya ayaa maanta shaqo la’aan ku dhacday, kadib markii dowladda Soomaaliya shalay si KMG ah u joojisay duulimaadyadii Qaadka.

Sida ay sheegayaan wararka garoonka diyaaradaha Wilson oo inta badan ay ka soo kicitimaan diyaaradaha qaadka keena Soomaaliya ayaan saaka ka soo bixin.

In ka badan 30 diyaaradood ayaa maalin walba Muqdisho iyo gobolada kale waxay geyn jireen kumanaan Jawaano qaad ah oo Ganacsatada ay ka soo dhoofin jireen dalka Kenya.

Diyaaradaha ayaa tagi jiray magaalada Muqdisho, Baydhabo, Gaalkacyo, Kismaayo iyo Laascaanood, waxaana durbaba muuqda inuu dhaqan galayo go’aanka sida KMG ah ay dowladda Soomaaliya ku joojisay qaadka ka imaan jiray Kenya.

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Cali Axmed Jaamac Jangali ayaa shalay sheegay in go’aankan uu yahay mid quseeya dhamaan garoomada diyaaradaha ee Soomaaliya oo dhan ku yaalla.

Ganacsatada Qaadka iibisa ayaa durbaba arrintan ku beertay walaac, waxaana qaarkood ay sheegeen in aanay heyn shaqo kale, isla markaana ay tahay halka ay biilka uga raadsadaan carruurtooda.

Waxaa la saadaalinayaa in maanta illaa caawa Maqaayadaha laga cunteeyo ay suuq badan heli doonaan, maadaama la filayo in cuntada si fiican loo iibsan doono, waxaana laga yaabaa in maqaayadaha qaar xilli hore cuntada laga dhameysan doono.

Sanadkii 2006 ayay aheyd markii Midowgii Maxkamadaha Islaamka ay ka mamnuuceen Gobolada Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya Qaadkii laga keeni jiray Kenya.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here