Doorka Waalidka Iyo Waxbarashada

0
156

Doorka waalidka soomaaliyeed ee waxbarashada ilmaha

 Hordhac

Maqaalkan waxaan ku soo qaadan doonaa kaalinta waalidka soomaliyeed ee barbaarinta caruurtooda, duruufaha sabaabi kara in hoos u dhac ku yimaado tayada doorka waalidiinta Soomaaliyeed ee waxbarashada caruurtooda. Waxaa kale oo aan ku soo gudbindoonaa talo bixin  ku saabsan habka ugu wanaagsan ee waalidka soomaaliyeed kaga qayb qaadan karaan waxbarashada caruurtooda.

 

Waxaa si gaar ah loogu cadeeyey daarasado kala duwan in ka qayb qaadashada waalidka ee waxbarashada caruurta ay saacidi karto:

  • Joogtaynta ardayga ee fasalka (improved attendance) (eeg Haynes et al., 1989)
  • U suuragelinta ardayga dhameystirka howsha waxbarashada ee guriga (Timely homework completion) waqtiga loogu talagalay (eeg Rich, 1988)
  • Horumarinta tayada wabarshada ardayga (improved student achievement) (eeg Hoover-Demsey et al., 2005)
  • Sare u qaadida hamiga waxbarashada (higher educational aspirations) ee caruurta ( eeg McDill, Rigsby & Meyers, 1969 in Greenwood & Hickman,1991, pg 279-280 )
  • Sare u qaadida tayada waxbarida ee barayaasha (improve teachers’ effective teaching) (eeg Comer & Haynes, 1991)
  • Khuburada qaar ( eeg Epstein, 1995; Hornby, 2000) waxay ku doodeen in waalidka iyo barayaasha dugsigu ay door siman ku leeyihiin waxbarashada caruurta. Waxay qaar kale sheegeen in doorka waalidku ka muhimsanyahay kan barayaasha (macalimka fasalka) maadaama wagtigooda intiisa badan caruurta la qaataan waalidkooda.

Doorka waaalidiinta Soomaaliyeed ee waxbarashada caruurtooda, waxa si faahfaahsan loogu qeexay maansada soo socoto ee uu curiyeey Abwaanka soomaaliyeed ee Maxamed Ibrahim Xadraawi:
Hooyoy la’aantaa

Adduunyadu hubaashii

Habeen kama baxdeenoo

Iftiin lama heleenoo
Dadku uma hayaameen

Dayax heego joogoo
Sida haad ma fuuleen

Xiddig hawd ka lulatoo
Hawo laguma gaadheen…

Tixdan waxa abwaanku ula jeeday in hooyadu ama hoygu yahay dugsiga ugu qiimaha badan ubadka.

Haseyeeshe waxaa xusid mudan in baahida loo qabo doorka waalidka ay sare martay kadib markii Soomaalidu u soo hijroodeen dalalka Reer Galbeedka ah oo aad uga duwan Soomalia dhanka; diinta,  nooca waxbarashada, (Education system), dhaqanka (culture) iyo luqada (language). Marka laga soo tago welweelka  in caruurtu lumiyaan  dhaqanka iyo diinta, waxaa sii kordhay mugga hawsha ka dhalatay in waalidiinta ay si joogto ah ula xiriraan dugsiyada (schools) kana qaybqaataan waxbarashada ee caruurta.

Baaxada howsha ee korortay waxaa kale oo sii adkeyey durufo kale oo xannibaad ku noqday  in waalidka gutaan xilka ka saaran waxbarashada caruurtooda.  Durufahaasi waxaa loo kala qaadi karaa kuwa ay waalidiinteena sabab u yihiin  iyo kuwo kale.

Madaama aysan suurgal ahayn in aan maqaalkan ku soo koobno dhammaan durufaha jira, waxaan halkaan ku soo xusi  doonaa inta  aan isleeyahay wax waa laga qaban kara haddii meel looga soo wada jeesto:

Faham la’aanta waalidiinta nidaamka waxbarashada wadanka: marka laga soo tago dhibatada ka dhalatay aqoon la’aanta  luqada Ingiriska, waalidinta soomaaliyeed xilweyn iskama saaraan fahmida nidaamka waxbarashada ee New Zealand (NZ education system) iyo doorka laga rabo waalidka. Waxaa muqaanaysa in waalidiinteena  marka lagu daro  kuwooda aqoonta u leh luqada ingiriska in aysan xil iska saarin fahmida nidaanka waxbarashada ee wadanka.

Isku kalsooni la’aanta waalidka: waalidiinta luqadoodu hooseyso ma aminsana ama kuma kalsoona in ay ilmahooda caawin karaan. Sida badan waxaa laga dhigtaa aqoon la’aanta luqada qiil ay waalidintu faraha ka laabtaan waxbarashada caruurta. Waalidinta qaar waxay xitaa ka gaabiyeen in ay caruurta ku kormeeraan waxbarshadooda marka ay guriga joogaan.

Xiriirka waalidka iyo dugsiga oo aad u hooseeya:waxaa muqanayso in waalidka soomaliyeed sida badan aysan xil iska saarin la xiriirka macalimiinta caruurtooda iyo maamulka dugsiga. Sida badan ma xafidno ama  kama jawaabno warqadaha wargelinta ama ogesysiska ee ku saabsan shirarka waalidka iyo macalinka (parent/teacher interviews) ee waalidka lagula socodsiinayo heerka waxbarashada ubadkooda. Sidaasi  oo kale kuwa ku saabsan doorashada guddiga maamulka ee dugsiga (Board of Trustees elections) iyo shirarka lagu dejinaya qorshaha howlaha muhimka ee dugsiga (strategic planning meetings).

Xiriirka waalidkeena iyo caruurta oo aan waanagsanyn:inta badan waalidiinteena kuma dhiirigeliyaan caruurta in ay waalidka la sheekeystaan ama ay ka dhageystaan durufaha la soo gudboonaday.

Geediga badan ee qoysaska Soomaaliyeed (transiency):Dugsiyada waxay dhibaato badan kala kulmaan geediga badan ee waalidiinta soomaaliyed iyo iyadoo sida badan aan ku wargelin dugsiyada cinwaanka guriga cusub ee ay degeen si loogu soo hagaajiyo waraqaha.

Dhaqanka soomaaliyeed oo aan dhiirigelin in khaladka ilmaha lagu saxo tusaaleyn: Sida badan waalidka soomaaliyeed waxaa dhaqan u ah in la ciqaabo ilmaha marka laga soo gudbiyo warbixin aan farxad gelin waalidka. Tusaale, waxaa sida badan waalidku adeegsadaa ciqaab (corporal punishment) ama canaan culus marka dugsiga ama barayaasha ay soo diraan warbixin aan wanaagsanayn. Arintaani waxay sabab unoqotaa in sida badan caruurta ay ka qariyaan waalidka warbixinada (progress report), natijada imtixaanka (exam results iyo ogeysiska kulanka waalidka iyo barayaasha (parent/teacher meetings).

Abaabul la’aanta jaaliyadaha soomaaliyeed: waxaa aad uu liito abaabulka jaaliyadaha soomaaliyeed, sida abuurista xaruumo kor loogu qaado waxbarashada caruurta laguna hormariyo dhaqanka iyo hidaha soomaaliyeed.

Si loo daboolo daldaloolada sare lagu xusay waxaa loo soo jeedinaya waalidiinta qodobada hoos ku qoran:

  1. Waalidiinta soomaaliyeed waa in ay ogaadaan in guusha waxbrashada carurteena  ay ku xiran tahay hadba inta aan juhdi gelino waxbarashadooda iyo la socodkeeda.
  2. Waalidiinta waa in ay xil gaar ah iska saaran fahmida iyo barashada nidaamka waxbarashada dalka iyo kaalinta ay ku yeelan karaan waxbarashada caruurta.
  3. Waa in aan ka abuurnaa guryaheena jawi  munaasab u ah waxbarasho. Sida waqti goan in loo cayimo daawashada telefiishiinka iyo in haddii durufta saamaxdo  la sameeyo meel gaar u ah waxbarashada.
  4. Sidaasi oo kale waa in waqti go’aan loo cayimo  seexashada qoyska
  5. Waaa in aan xaqiijinaa  subax kasta u diyaargarowga caruurta waxbarasho. Sida in la xaqiijiyo nadafada dharka, jirka, buugaagta, qalmaanta iyo in cunto u qaatan dugsiga
  6. Waa in caado laga dhigto in la weydiiyo caruurta marka dugsiga (school) ka yimaadaan waxii maalintaa kala soo kulmeen dugsiga, waxii ku adkaa, waxii uu aad uga helay iyo haddi loo soo dhiibay wax fariin ama qoral ah
  7. Waa in la weydiiyaa caruurta natiijada ay ka heeleen imtixaanka laga qaaday. Waana in aan la dhaliilin hadii uu  sheego in uu ku liitay imtixaanka. Haseyeeshe taa bedelkeeda waa in la weydiiya waxyabaha ku adkaaday, laguna dhiirigeliyaa in uu u  diyaargroobo imtixaanada soo socda.
  8. Hadii ay kuu cadaato in ay duruustu ku adag tahay, geey meelaha laga caawiyo ardayda  (homework centre) ama macalin gaar ah u qabo (home tutor). Hadii xarun ilmaha lagu cawiyo aysan jirin adigana ay kugu adagtahay in ad caawiso (aqoon ahaan iyo dhaqaale ahaan), utag dugsiga una sheeg in ilmahaagu uu bahanyahay kaalmo dheeri ah adigana aadan awoodi Karin in aad cawiso. Sidaasi oo kale la xiriir haddii ay jiraan aqoonyahano soomaaiyeed oo la shaqeeya dugsiyada (Somali tutors or liaison officers)
  9. La saaxib ilmahaaga, markastana dhiriigeli. Ogow qofka waxbaranayo waa ilmaha ee adiga xoog waxba kuma bari kartid.
  10. Maadaama ay suurogal  tahay in an maqaalkan akhrintiisa awood aney u wada helin dadka u baahan ,fadlan qofkii akhristow ku dabaq qoyskaada iyo hadba intii ad fursad u heshid oo soomaali ah
  11. Waxa ila quman gudiyada soomaalida ee magaalooyinka waaweyn(nz somali community) in ay la xiriiraan wasaarada waxbarashada deegaankooda si la iskula meel dhigo in waalidiinta loogu gudbiyo macluumaadka la xiriira qaabka waxbarashada dalkaan ( New Zealand(Education system).

Gunaanad

Waxaan maqaalkaan si gaar ah ugu ifinay durufaha horjoogsiga ku ah in waalidka soomaaliyeed ka qaataan waxbarashada caruurta kaalin firfircoon. Inkastoo ay ujeedada maqaalku ahayn in lagu soo bandhigo dhibatooyinka badan ee la soo dersay waalidiinta soomaaliyeed ee kuu nool wadamada reer galbeedka, waxaan dulmar kooban ku sameeynay dhibaatooyinka jira kuwooda aan isleeyhay soomalidu xal waa heli kartaa. Waxaa xusid mudan in xalinta dhiabtada jirta ay u bahantahay  in si gooni gooni ah iyo wadajirba ah loo wajaho. Waa in an maanka ku hayno in qofna ama qoysna uu guul kaa gaari Karin waxbarashada caruurtiisa inta mid kamid caruurta kale ee soomaaliyeed uu beylah ama halis uu ku sugan yihiin.

Cudur daar:waxaan ka cudur daaranayaa haddii gef loo arko dhaliilaha dhexdeena ee  aan kor soo sheegay. Ulama jeedo in waxbarashada ubadka Soomaalidu ku guuldareysatay, balse waxaan door biday oo keli in aan soo gudbiyo waxii daldalolo jira aniga oo dhexda kaga jira waalidinta ay dhibaatahu saameyso si loo tayeeyo waxbarashada ubadkeena.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here