Faallo: Isfahamka Madasha wadatashiga Qaran waa qeyb ka mid ah gunaanadka xalka Soomaaliya.

0
118

Wada tashiga oo la micno ah wax wada qabsi waxaa la gaari karaa marka la helo bulsho mideysan oo u diyaar ah horumarinta danaheeda,isla markaana ku dhaqaaqda aasaaska dowlad sal adag oo u adeegta dadka iyo dalka.

Tan iyo markii la unkay dowladda federaalka soomaaliya ee kalsoonida ka heshay beesha caalamka iyo dadka Soomaaliyeed ,waxaa hanaqaaday maamul goboleedyo dhowr ah oo la yimid kaalintii waxqabad iyo sharciyadii lama huraanka u ahaa habka federaalka ee soomaaliya.

Dhismaha maamullaadaasi oo ujeedadoodu tahay in hoos loo dajiyo ama hoos laga soo bilaabo ismaamulka waxay u muuqdaan kuwo ka talinaya aayaha dadka iyo dalka, iyagoo ku dhismay wadatashiyo xoogan oo dhexmaray hogaamiyaasha bulshada ,maamul goboleedyada  iyo xukuumadda dhexe ,tallaabadaasina waxaa  lagu micneeyay in ay xal u tahay daaweynta dhibaatooyinkii kala gaaray umadda Soomaaliyeed ee ku kala firirtay ama ku kala irdhowday  dagaaladii sokeeye.

Inta badan shirarka wadatashiga ah, waa kuwo u dhacay  si macquul  ah  oo qorsheysan,mana jirto cid si gaar ah loogu xushmeeyay in ay sad-buursi ku sameyso ujeeddada iyo go’aanada kulan kasta oo loo qaado xagga masiirka umadda.,waloow xukuumadda Soomaaliya ay tanaasul badan u sameysay dowlad goboleedyada.

Biseylka bulshada waxaa caadiyan  ah in laga eego waaya aragnimada ay umadi u leedahay dadaaladii loo soo galay qabsoomidda shirarka wadatashiga ah oo waqti kasta ahaa mid ay dadka Soomaaliyeed kaga gudbaan caqabadaha turaanturada ku ah geedi socodka arimaha dadka iyo dalka.

Wadatashiya xilligaan ee ka socda gudaha dalka soomaaliya,waxa ay qeyb ka yihiin barnaamijyada wax ku oolka ah ee kor loogu qaadayo hammiga iyo niyadda dadka oo in muddo ah ka dhursugayey horumar guud gaar ahaan soo celinta sharaftii dadka iyo dalka.

Inkasta oo qaar ka mid ah hogaamiyaasha bulshada ay wadaan wadatashiyo lagu dhisayo gobolada ,Hiiraan iyo Sh/dhexe,haddana waxaa jira yididiillo iyo rajo wanaagsan oo u soo bidhaamaya dadka goboladaasi,sida qorshuhu yahayna maamulka ay samaystaan labadaasi Gobol ayaa wuxuu xubin buuxda ka noqon doonaa hanaanka federaalka ee dalka.

Magaalada Beydhabo waxaa lagu soo gunaanaday   kulan xasaasi ah oo looga hadlaayey arrimaha dalka soomaaliya, gaar ahaan doorashooyinka dhacaya sanadkaan,  qaabka ugu habboon ee loo suurtagelin karo xilliga doorashada iyo diyaarinta goobaha iyo dadka ka qeybgalaya,kaasoo ay ka qeyb galeen madaxweynaha  iyo hoggaamiyaaasha maamullada Jubbba land, Puntland , Koofur galbeed iyo Galmudug.

Go’aamadii ka soo baxay shirka wada tashiga waxa ay lahaayeen ahmiyad gaar ah waxaa dhinacyadii ka qayb galay ay isla garteen in talooyin iyo wax wada qabsi laga yeesho masiirka soomaaliya gaar ahaan habka doorashooyinka ee soo socda,diyaarinta goobaha iyo tirada ka qeybgalayaasha .qoondada  haweenka ee baarlamaanka cusub iyo  dhammaystirka barnaamijyada kutalagal ee  hiigsiga cusub.

Sida qorshuhu ahaa 20-kii illaa 23-ka bishaan ayaa mar kale la isugu tagay magaalada Baydhabo waxaana lagu dhameystiray  waxyaabihii  ka harsan ajandayaasha horyiillay shirka madasha, oo lagama maarmaanka u ahaa  soo afjaridda arimaha doorashooyinka iyo habsami u socodsiinta  howlaha ku saabsan xaga hiigsiga cusub .

Dadka Soomaaliyeed ayaa u arka isfaham dhab ah oo dhexmara dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada in uu yahay tallaabo horumar ah oo loo qaaday qeyb ka mid ah xalka Soomaaliya.hasayeeshee inta badan bulshada ku dhaqan magaalada muqdisho ayaa shaki ka muujiyay in madasha wadatashiga Qaran ay ka gaabiyeen muujinta  kaalintii iyo maqaamkii caasimadda dalka ay ku laheyd dhinaca doorashooyinka .

In lagu dhaqaqo soo celinta  kalsoonida dadweynaha, lana xoojiyo is fahamka iyo wada shaqaynta maamullada gobollada iyo dowladda dhexe waa tallaabo muhiim ah oo mudan soo dhoweyn iyo kudaayasho.

Xigasho Sonna

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here