Arsene Wenger Oo Ka Dalbaday Xidiga Ay Isku Dalka Kasoo Wada Jeedaan Ee Olivier Giroud Inuu Iska Sii Joogo Kooxda Arsenal, Xili Lala Xidhiidhinayo Inuu Ka Baxayo Emirates Stadium.

0
126

Macalinka kooxda Arsenal ee reer france Arsene Wenger ayaa wuxuu shaaca ka qaaday inuu si xoogan u doonayo in Olivier Giroud uu kasii mid ahaado safka kooxda Gunners xili ciyaareedka soo aadan, inkastoo kii lasoo dhaafay uu inta ugu badan kasoo muuqday kursiga keydka.

Arsene Wenger ayaa wuxuu aaminsan yahay in Olivier Giroud uu wali leeyahay awooda ciyaareed uu ku caawini karo kooxdiisa Gunners xili ciyaareedka soo aadan, xili sidoo kale uu macalinka reer france uu sheegay in kasoo muuqashadiisa inta ugu badan kursiga keydka xili ciyaareedkii lasoo dhaafay aysan waxba u dhimi doonin awoodiisa ciyaareed.

Wenger ayaa wuxuu yidhi: “xili ciyaareedkii lasoo dhaafay wuxuu ahaa mid aan u wanaagsaneyn Olivier Giroud sababtoo ah inta badan ma uusan kusoo bilaawan safka hore, iyadoo ay sidaas jirto hadana wuxuu ahaa mid si weyn u saaciday kooxda marka uu ku yimaado qaab badal ah, sababtoo ah wuxuu inoo dhaliyay goolal muhiim ah xiliyo ay u baahantahay kooxda Gunners, taasoo ka dhigeysa inuu leeyahay dhamaan tilmaamaha ay u baahan tahay kooxda Arsenal”.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Si kastaba Olivier Giroud ayaa wuxuu xili ciyaareedkii lasoo dhaafay ee 2016/2017 safka hore ee kooxda Gunners kaga soo bilaawday 11 kulan oo kaliya, waana sabab kaloo lala xidhiidhin karo laacibkan inuu isaga dhaqaajiyo Emirates Stadium, waxaana saxiixiisa ku raad joogo kooxo ay ka mid yihiin Marseille iyo West Ham United.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here