Bayern Munich Oo Ka Cabsi Qabta In Alexis Sanchez Uu Si Ula Kac Ah Mushaar Qaali Ah Uu Uga Dalbaday Si U Qasbo In Man City Laga Iibiyo.

0
126

Kooxda Bayern Munich ayaa ka cabsi qabta in Alexis Sanchez uu kooxdeeda mushaar qaali ah uga dalbaday si Manchester City looga iibiyo oo aanu uga bixin horyaalka Premier Leaque-ga.Bayern Munich ayaa ah kooxda labaad ee Sanchez sida wayn u doonaysa.

Bayern Munich ayaa ah kooxda labaad ee Manchester City kula tartamaysa saxiixa Alexis Sanchez basle sida uu wargayska Daily Mirror sheegay waxay kooxda ree Germany ka cabsi qabtaa in dalabka qaaliga ah ee mushaarka Sanchez uu kooxdeeda ka dalbaday yahay mid Man City fursad siinaya.

Alexis Sanchez ayaa kooxda Bayern Munich ka dalbaday mushaar dhan  £21.85 milyan gini sanadkiiba taas oo la micno ah in todobaadkii uu ka doonayo £420,000 euros iyada oo waliba qiimaha dhaca lacagta Pound ka isku badalka Euros uu saamayn wayn ku yeelanayo.

Saraakiisha Allainz Arena ayaa ka cabsi qaba in Sanchez uu dalabkan u sameeyay si Manchester City looga iibiyo oo ayna Arsenal u helin koox ka baxsan England oo aqbali karta dalabkan qaaliga ah. Arsenal ayaa ku jirta xaalad aad u adag oo ah in ay laba daran mid doorato.

Haddii ay Arsenal ku sii adkaysato in Alexis Sanchez ayna ka iibin Manchester City xagaagan waxay dhamaadka xili ciyaareedka cusub ogtahay in xidiga ree Chile uu Etihad Stadium ku biiri doono isaga oo aan cidna kala tashan oo waliba xor ah marka uu heshiiskiisu dhamaado balse sidoo kale waxay ka cabsi qabtaa in Guardiola iyo kooxdiisay ay isku soo hubayso.

 28 jirkan ree Chile ayaa iska diiday in uu wax heshiis cusub ah u saxiixo Arsenal wuxuuna niyadjab wayn ka qaaday in Gunners ay xili ciyaareedkii dhamaaday xaalad musiibo ah kaga jirtay horyaalka Premier Leaque-ga iyo Champions Leaque-ga balse waxaaba xaalada uga sii daray in Europa Leaque ay xili ciyaareedka cusub ka soo muuqan doonto Gunners.
Guardiola ayaa doonaya in Alexis Sanchez uu markale kula shaqeeyo Etihad Stadium waxayna Man City haysataa fursad dahabi ah oo ay ku heli karto Sanchez xagaagan balse waxayba uga sii fiican tahay in dhamaadka xili ciyaareedka cusub ay si xor ah ku heli karto haddiiba ay hadda Gunners ka horjoogsato.
Man City ayaa horeba Emirates Stadium ugala soo baxday xidigo qiimo fiicna ku lahaa safka Arsenal oo kala ahaa Samir Nasri, Emmanuel Adebayor, Gael Clichy, Kolo Toure iyo Bacary Sagna wuxuuna Sanchez u muuqdaa in uu dariiqoodii raaci doono.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here