Bayern Munich Oo Xalay jabisay RIKOODH sideed sano u yiilay Champions League kooxda Man United

0
104

Kaddib guushii xalay ay Bayern Munich ka gaartay kooxda FC Rostov Champions League ayaa ka dhigan inay jabisay rikoodh sideed sano u yiilay Man United tartankan.

Kooxda Carlo Ancelotti ayaa 13-guul oo xiriir ah ku gaarayay garoonkooda Allianz Arena koobka dhagawaynaha iyagoona hal guul ka sara maray Man United oo 12-guul ku gaartay Old Tarfford 2008-dii.

Man United uu waqtigaa horkacayay Sir Alex Ferguson ayaa dhigtay rikoodh 12-kulan ay guulo xiriir ah ku gaareysay garoonkooda waxayna soo gaareen semi-finalka CL ee 2007 ka hor inta aysan AC Milan 3-gool ku riiqin.

Laakiin sanadkii xigay ayay Man United is keentay Finalka iyadoona koobka ka qaaday kooxda Chelsea.

Kooxda Jose Mourinho ayaa iminka isku diyaarineysa kulankeedii ugu horreeyay ee Europe League kal ciyaareedkan maadaama aysan ka soo qeyb galin Champions League waxayna la ciyaari doonta habeen dambe kooxda Feyenoord.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here