Champions League:- Bayern Munich Oo 5-0 ku Garaacday Rostov Kulankii Ugu Horeeyey Wareega Group yaad

0
94

Bayern Munich ayaa ciyaarta ku biloowday maamul iyo in kubadda lugtooda ku hayaan iyaga oo baadi goobayay in ay jiiraan daafaca FC Rostov oo adkaa.

FC Rostov ayaa biloowgii ku tiirsaneyd kubadaha rogaal celiska ah waxaana guud ahaan kubadda cagta ku haysay kooxda Munich

Inkastoo ay ku soo galeen qaabkii ay caanka ku ahaayeen 3-3-4 hadana Munich halis gillin kuma sameyn goosha kooxda FC Rostov

Munich guud ahaan iyaga ayaa gacan sareysay dhinacyada ayay ka wareerar tagayeen balse daafac adag ayaa laga xertay.

Munich dadaalkooda waxa ay ku heelen rigoore waxaana daqiiqadii 28-aad dhaliyay Robert Lewandowski .

Kooxda FC Rostov dhamaadkii isku dayo ayay sameynayeen balse daafac adag ayaa hor taagnaa xilli Munich-na iyna ay baadi goobayeen goolkii labaad

Xilli ciyaarta u muuqatay mid halkaas gool nasiinada lagu aadayo ayay Munich dhaliyeen gool labaad waxaana sidaas sameeyay Thomas Mueller daqiiqaddii 45-aad
Waxa ay kooxda.com xuseysaa in in kubad haysashada Munich ee qyebtii hore ay gaartay %79 halka kooxda martida ah gaareen %21

Biloowgii qeybta labaad si la mid ah tii hore Munich aya guud ahan kubadda hayasatay inkastoo isku dyao dhanka goosha ah aysan jirin

FC Rostov maqane jooge ayay ahaayeen waxa ayan munich heleen laba gool oo iksuxiga waxana u dhaliyay oshua Kimmich daqiiqadii 50-aad60-aad

Munich waxa ay ciyaarayeen kubad kalsooni leh waxaana laga filan karay goolal dheeraad ah xilli kooxda martida ah ay ku adkeyd in kubada si sax ah u soo jiidaan

Kooxda Russia dhamaadkii isku dayo kale duwan ayay muujiyeen balse ma jirin wax u hagaagayay balse daqiiqadii 90-aad ayaa loogu draay gool 5-aad waxaan saxiixay Juan Bernat iyadoo ciyaarta ay ku dhamaatay 5-taas gool ee ay munich guusha ku gaartay

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here