Champions League HOR DHAC: Juventus Vs. Sevilla Wax Walba Ka Ogoow Kulankan

0
145

Juventus oo ka daashay hanashada Serie A-ga ayaa hada ahmiyada kowaad siineysa Champions League balse waxa ay kulanka ugu horreeya la dheeleysaa khabiirada Europe, Sevilla.

Dhianca Allegri oo durba ololahan ku bilaabay heer sare ayaa caawa mari doonaa tijaabada kowaad ee qaarada.

WARARKA LABADA NAADI

– Stephan Lichtsteiner ayaa Juventus ganaax uga seegi lahaa hadii uu ku jiri lahaa safkeeda balse nasiib wanaag lama soo xulan, taas waxa ay ka dhigan tahay in Dani Alves uu garabka middig ku soo bilaaban doono halka cagsigiisa ay ku loolamayaan Alex Sandro iyo Patrice Evra.

-Kaliya Juventus waxaa dhaawacyo uga maqan Claudo Marchisio iyo Stefano Sturaro

-Sevilla lama filayo in ay is badal badan ku sameeyso safkeeda marka la eego kuwii dheelay kulankii ugu dambeeyey ee La Liga.

LA SOCO

-Juventus waxa ay Sevilla ku garaacday 2-0 kulankii labaad ee Champions League kal hore

– Bianconeri waligeed lagama badin kulanka furitaanka muddo 16 sano ah

Juventus defeated Sevilla 2-0 in Italy on matchday two last season

-Saxiixa cusub ee Juventus Gonzalo Higuaín waxa uu u dhaliyey saddex gool saddex jeer oo uu saftay

SAFAFKA LA FILI KARO

Juventus: Buffon; Barzagli, Bonucci, Chiellini; Dani Alves, Khedira, Lemina, Pjanić, Evra; Higuaín, Dybala.

Sevilla: Rico; Mercado, Rami, Pareja; Iborra, N’Zonzi, Sarabia; Mariano, Vitolo, Kiyotake; Vietto.

Gegida: Juventus

Saacadda Geeska Africa: 9:45Pm

Dhex dhexaadiyaha: Deniz Aytekin

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here