Champions League:- Tababare Carlo Ancelotti oo RIKOODH cusub u dhigay Champions League Hadaba Rikoorkaasi Muxuu Yahay?

0
99

Kaddib guushii xalay ay Bayern Munich ka gaartay kooxda FC Rostov ee Champions League, macallinka kooxda Munich ee Carlo Ancelotti ayaa rikoodh cusub u dhigay Koobka horyaallada Yurub.

Tababaraha reer Talyaani ee Carlo Ancelotti ayaa noqday tababarihii ugu horreeyey ee 7 kooxood oo kala duwan ku maamula ama ku layliya tartanka Champions League.

Carlo Ancelotti ayaa koobka dhaga-waynaha Champions League ku layliyey kooxaha Parma, Juventus, AC Milan, Chelsea, PSG, Real Madrid iyo kooxda uu sanadkan hoggaamiyayo ee Bayern Munich.

Ma jiro tababare kale oo 7 kooxood oo kala duwan ku maamulay Champions League ee sawirka hoose ka eeg sanadihii uu kooxahaas ku layliyey Carlo Ancelotti Koobka Horyaallada Yurub:-

csqznjgwyaayrsa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here