Daawo Sawirada:- Barcelona Oo 7-0 ku xaaqday Celtic,xilli MSN ay shabaqa soo wada taabteen ,Lionel Messi seddexleey ayuu dhaliyay, Neymar-na waa la celin waayay 4 caawin ayuu dhiibay.

0
173

Kooxda kubada cagta ee Barcelona ayaa waxay caawa cashar weyn u dhigtay kooxda
Celtic, ka dib ciyaar xiiso lahayd oo ka dhacday garoonka Camp Nou ,

waxayna ahayd Kulan Champions League heerkiisa Groupyada gaar ahaan Group C.

Messi iyo Neymar oo kulankaan si wayn aga soo dhalaalayay ayaa biloowgii ciyaarta
markay maraysay 3 daqiiqo, waxaa goolka Barca u furay laacibkooda shanta jeer haysta kubada dahabka ee Lionel Messi

ka dib caawin uu ka helay Neymar.

 


Moussa Dembele ayaa furad ka qasaariyay kooxda Celtic ka dib markii laga qabtay rigoore.

Messi ayaa mar labaad shabaqa soo taabtay, waxayna ahayd daqiiqadii 27aad

waxaana mar kale uu caawin ka helay Neymar oo caawa cel celis ahaa.


qeybta hore ee ciyaarta ayaa waxa lagu kala nastay 2-0 oo ay kooxda martida loo ahaa ee Barcelona ay ku hogaaminayso.
marka leskugu soo noqday qeybta 2aad waxaa goolka seddexaad Barca u dhaliyay Neymar.


daqiiqadii 59aad Andres Iniesta ayaa goolka 4aad u saxiixay wuxuuna caawin ka helay Neymar.


daqiiqadii 60aad ee ciyaarta Messi ayaa mar 3aad shabaqa soo taabtay isagoona dhameestirtay seddexleediisa

waxaana goolkan ka caawiyay Suarez.
75 daqiiqo markay socotay ciyaarta Suarez ayaa goolka 6aad u dhaliyay, waxaana mar kale caawintiisa laha Neymar.
waa goolkii 4aad uu Neymar caawin ka noqdo, wuxuuna caawa muujiyay inuu yahay laacibka mustaqbalka dhow

ee booska ka bedali doona Messi iyo Ronaldo.

88 daqiiqo markay socotay ciyaarta waxaa goolka 7aad kusoo xiray Suarez ka dib caawin uu ka helay Messi.

ciyaarta ayaana kusoo dhamaatay 7-0 oo Barca ay ku badisay.

sidoo kale ciyaartii daba socotay ee isla Groupkan ee Manchester City iyo B.Monchengladback ayaa  baaqatay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here