Gerard Pique Oo Sheegay In Neymar Jr Uusan Garaneynin Ilaa Iyo Haatan Go’aanka Kama Dambeysta Ah Ee Mustaqbalkiisa Kooxda Barcelona.

0
173

Daafaca kooxda Barcelona iyo xulka qaranka Spain Gerard Pique ayaa markale afka u furtay ka hadlida xaalada cakiran ee laacibka reer Brazil Neymar Jr ee ku aadan inuu kusii dhawaanayo u dhaqaaqista safka kooxda Paris Saint-Germain.

Gerard Pique ayaa kala hadlay shabakada ESPN ee dalka mareykanka halka ay mareyso xaalada bixitaanka Neymar wuxuuna yidhi: “Aniga iyo Neymar waxaanu nahay laba saaxiib oo si aad ah isugu dhaw, waxaan doonayaa inuu nagula sugnaado Cump Nou, waxaanse ka war qabaa sida ay tahay xaalada”.

Daafaca kooxda Barcelonab ayaa hadalkiisa intaa kusii daray: “Ilaa iyo haatan Neymar kama war qabo waxa uu sameenayo, balse inagu waxaan isku dayi doonaa sida aan u garab istaagi lahayn, dhamaan shaqsiyaadka sida gaarka ah ugu dhaw ee ku sugan kooxda  waxay doonayaan inuu gaadho Neymar go’aan sax ah”.

Si kastaba kooxaha Barcelona iyo PSG iyada ayeey u muuqataa in sheekadooda ay gaadho heer dacwad ah, maadaama ay Balaugrana ay ku hanjabeen in ay UEFA ka dacwayn doonaan PSG haddii ay bixiso lacagta 222 milyan euroska ah ee heshiiska Neymar lagu burburin karo.

Dhinaca kale shalay ayeey ahayd kadib markii uu Madaxweynaha horyaalka La Ligaha ee dalka Spain Javier Tebas ayaa codkiisa ku biiririyay kooxda Barcelona, isagoo qiray inuu ku garab istaagi doono in hal dhinac ay kaga soo hor jeesan doonaan duulaanka kooxda  Paris Saint-Germain ay ku dooneyo in ay ku kansasho heshiiska Neymar uu kula jiro Blaugrana.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here