Hordhac: Everton Vs Arsenal

0
162

Arsenal ayaa Goodinson Park ku booqanaysa kooda musiibada wayn xili ciyaareedkan ku dhex jirta ee Everton waana kulan isku keenaya koox soo dhibtoonaysay tartamada oo dhan oo Everton ah iyo koox si buuxda u soo dhibtoonaysay dhamaan kulamadii ay martida soo noqotay ee xili ciyaareedkan.

Tababaraha kooxda Everton ee Ronald Koeman  ayaa ku jira xaalad aad u xun iyada oo haddaba shaqadiisu ay ul booc ah ku taagan tahay wuxuuna maanka ku hayaa in guuldaro ka soo gaadha Gunners ay keeni karto in shaqada laga caydhiyo.

Arsene Wenger ayaa kooxda Everton ka soo guulaystay 30 kulan oo tartamada oo dhan ah waana tababaraha ay kooxda Everton guuldarooyinka ugu badan abid kala kulantay, wanaa war u fiican dhegaha jamaahiirta kooxda Gunners oo ay kooxdooda booqanayso Googdinson Park iyada oo aan waqti dheer soo guulaysan kulamada ay martida soo noqotay.

Kulanka Arsenal iyo Everton ayaa ayaa saddex kaadh casaan la soo bixiyay afartii kulan ee horyaalka Premier leaque ugu danbeeyay iyada oo ay soo qaateen xidigaha kala ah  (Laurent Koscielny – May 2017, Phil Jagielka-  December 2016 iyo Gareth Barry – October 2015).

Wayne Rooney ayaa goolkiisii ugu horeeyay ee Premier Leaque waxa uu ka dhaliyay Arsenal October 2002 laakiin tan iyo markaas waxa uu noqday xidiga horyaalka Premier Leaque goolasha ugu badan kaga soo dhaliyay Gunners isaga oo ilaa hadda 11 gool oo Premier Leaque ah soo taabsiiyay shabaqa Gunners. Mana jiro ciyaartoy kale oo abid goolashan oo kale Arsenal kaga soo dhaliyay horyaalka.

WARARKA LABADA KOOXOOD EE KA HOR KULANKAN:

Kooxda martida loo yahay ee Everton waxaa dhaawacyo kaga maqnaan doona Ros Barkley, xidiga waqtiga dheer maqnaa ee Bolasie, Coleman oo tan iyo sanadkii hore maqan halka sidoo kale Funes Morie uu ka mid yahay xidigaha aan waqti dheer adeegooda lagu xisaabtamin.

Dhinaca Arsenal waxaa kulankan ka maqnaan doona Chambers iyo Mustafi oo la filayo in ay bisha November soo laabtaan waxaana wali Gunners ka sii maqnaan doona xidiga tan iyo xili ciyaareedkii hore xaalada xun ku jira ee Santi Cazorla laakiin Danny Welbeck ayaa isna kulankan seegaya.

XOGTA KULANKA:

Tartanka: Kulanka 9 aad ee Premier Leaque

Kulanka: Everton Vs Arsenal

Garoonka: Goodinson Park

Waqtiga: 3:30 Galabnimo Ee Saacada Geeska Afrika

Garsooraha: Craig Pawson

SHAXAHA MACQUULKA AH EE LABADA KOOXOOD:

Everton  XI: Pickford, Holgate, Keane, Jagielka, Baines, Gueye, Davies, Vlasic, Sigurdsson, Calvert-Lewin, Rooney

Arsenal XI: Cech, Holding, Koscielny, Monreal, Bellerin, Xhaka, Ramsey, Kolasinac, Sanchez, Ozil, Lacazette

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here