Hordhac: Real Madrid Vs Barcelona- Zinedine Zidane Iyo Ernesto Valverde Oo Markii Ugu Horaysay Iskaga Hor Imanaya Kulanka El Clasico-da Miami.

0
124

Real Madrid iyo Barcelona ayaa muddo 26 sano kadib ah markii ugu horaysay kulan saaxiibtinimo isaga hor imanaya waana markii ugu horaysay ee ciida dalka Maraykanka ay ka dhacayso ciyaarta kooxahan dhex marta ee loo yaqaan El Clasico. Waxa kale oo kulankani uu khaas la yahay in markii ugu horaysay ay iska hor iman doonaan Zinedine Zidane iyo Ernesto Valverde oo ah macalinka cusub ee Barcelona kaa soo badalay Luis Enrique.

Real Madrid iyo Barcelona ayaa kulankan wada ciyaari doona waqti kooban ka hor inta ayna Camp Nou iskaga hor iman kulanka lugta hore ee Spanish Super Cupka iyaga oo markale inta aanu xili ciyaareedka horyaalka La Liga bilaamin ku balansan Bernabeu ee kulanka lugta labaad ee Spanish Super Cupka.

Real Madrid ayaan qaab ciyaareed fiican ku soo bandhigin kulamada US ee xili ciyaareedka ka horeeya waxayna ugu horayn guuldaro rekoodhayaal ahi ka soo gaadhay Manchester United laakiin kooxda Zidane ee Los Blancos ayaa waji gabax kala kulantay Manchester City oo 4:1 ugu awood sheegatay.

Laakiin Barcelona ayaa soo wada guulaysatay labadii kulan ee ay soo ciyaartay ilaa hadda waxayna guulo ka soo gaadhay kooxaha Juventus iyo Manchester United laakiin kulanka El Clasico ayaa ah mid aan lagu sheegi karin kulan saaxiibtinimo, waana kulan la micno ah tartan iyada oo koox kastaaba u dagaalami doonto magaca kooxdeeda.

XOGTA KULANKA:

Kulanka: Real Madrid vs Barcelona

Tartanka: International Championship Cup

Garoonka: Hard Rock Stadium – Miami.

Waqtiga: 3:00 Saqda Dhexe Ee Saacada Geeska Afrika

Liiska Ciyaartoyda Real Madrid:

Real Madrid waxaa wali fasax kaga maqan Cristiano Ronaldo kaas oo aan fursad u heli doonin in uu qayb ka soo noqdo kooxda uu Zidane la soo shirtagi doono laakiin kabtanka Los Blancos ee Sergio Ramos ayaa dib ugu soo laaban kara shaxda Zidane isaga oo aan wali u safan Madrid intii lagu jiray diyaar garawga xili ciyaareedka cusub.

Goolhaye:Navas, Casilla, Yanez, L. Zidane

Difaaca:Carvajal, Ramos, Varane, Nacho, Marcelo, Theo, Quezada, Tejero, Achraf, Manu

Dhexda:Kroos, Casemiro, Modric, Isco, Ceballos, Kovacic, Oscar, Franchu

Weerarka:Benzema, Bale, Vazquez, Gomez, Mayoral

Liiska Ciyaartoyda Barcelona:

Barcelona waxay haysataa inta badan ciyaartoyda kooxda kowaad waxaana ka maqan goolhaye Ter Stegen iyo Andre Gomes oo fasax dheeraad ah laga siixyay in ay Confedrations Cupka u soo ciyaareedn qaramadooda Germany iyo Portugal laakiin Valverde ayaa wali sii wadi doona in uu labada qaybood ee kulankan isbadalo waa wayn shaxdiisa ku sameeyo balse waxa uu shaki ku jiraa taam ahaansha Sergi Roberto.

Neymar Jr oo tababarka kooxdiisa cadho kaga baxay khamiistii markii ay isku dhaceen Nelson Semedo ayaa indhaha caalamka soo qabsaday kulamadii Juventus iyo Man United waxaana markale la filayaa in uu kulankan ku soo bilaaban doono inkasta oo aan xaaladiisa wali la xalin.

Goolhaye:Cillessen, Ortola, Jokin

Difaaca:Pique, Alba, Digne, Umtiti, Vidal, Marlon, Douglas, Vermaelen, Semedo

Dhexda:Busquets, Mascherano, Iniesta, Rakitic, Arda, D. Suarez, Roberto, Samper, Alena

Weerarka:Messi, Neymar, L. Suarez, Alcacer, Munir

Shaxaha Macquulka Ah Ee Labada Kooxood:

Real Madrid:  Navas; Carvajal, Varane, Ramos, Marcelo; Modric, Casemiro, Kroos; Bale, Benzema, Isco.

Barcelona:  Cillessen; Semedo, Pique, Umtiti, Alba; Rakitic, Busquets, Iniesta; Messi, L. Suarez, Neymar.

Wariye Absa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here