Hordhac: Real Madrid Vs Eibar

0
185

Real Madrid ayaa Santiago Bernabeu  ku soo dhawanaysa kooxda Eibar oo kaalinta 16 aad kaga jirta kala saraynta horyaalka La Liga waxaana jira farqi 10 dhicbood ah oo labada kooxood u dhexeeya. Real Madrid ayaa rajaynaysa in ay ka baxdo bandhigii liitay ee ay ku soo bandhigtay garoonkeeda Santiago Bernabeu iyada oo jamaahiirta Los Blancos ay aad u saluugeen qaab ciyaareedka kooxdoodu ay xili ciyaareedkan ku soo bandhigtay Bernabeu.

Kulamadii siddeedaad ee la soo dhaafay Real Madrid ayaa si wayn uga faa’iidaysatay barbarihii ay galeen kooxaha Barcelona iyo Atletico Madrid laakiin markale Zidane ayaa doonaya in kooxdiisu ay soo yarayso dhibcaha ay u jirto kooxda hogaanka La Liga haysa ee Barcelona oo Malaga guul ka gaadhay iyo waliba kooxda kaalinta labaad ku jirta ee Valencia oo guul dahabi ah ka gaadhay Sevilla.

Real Madrid ayaa kulankan Eibar ciyaaraysa iyada oo kaalinta saddexaad ugu jirta 17 dhibcood halka Valencia ay kaalinta labaad ugu jirto 21 dhibcood, sidaa daraadeed guul ay Madrid kulankan gaadho ayaa la micno ah in ay 20 dhibcood yeelan doonto oo ay hal dhibic ka hoosayn doonto kooxda kaalinta labaad ku jirta ee Valencia halka shan dhibcood ay ka hoosayn doonto Barcelona balse waxaan guul ahayn ayay Madrid culays wayn dareemi doontaa.

Real Madrid xili ciyaareedkii hore ku fashilantay in ay Santiago Bernabeu ku garaacdo Eibar kulankii la ciyaaray October 2016 waxayna ku kala baxeen barbaro 1-1 ah waana natiijo ayna marnaba aqbali karin jamaahiirta Los Blancos laakiin Madrid ayaa Eibar ka soo guulaysatay shan kulan oo ka mid ah lixdii kulan ee ugu danbeeyay ee ay La Liga iskaga horyimaadeen.

Real Madrid ayaa xili ciyaareedkan 2017/18 hal kulan oo kaliya ku soo guulaysatay garoonkeeda Bernabeu, waana bandhigii ugu liitay tan iyo 1999-2000 markaas oo ay Madrid hal guul oo kaliya ku gaadhay garoonkeeda markii ay afar kulan ku soo ciyaartay.

WARARKA LABADA KOOXOOD EE KA HOR KULANKAN:

Real Madrid waxaa wali dhaawac kaga sii maqnaan doona Gareth Bale kaas oo dib ugu soo laabtay tababarka balse u baahan in uu qaato waqti uu si buuxa ugaga soo kabsado dhaawac uu muddada bisha ku dhaw ku maqan yahay. Xidiga ree Wales ayaa wali la dhibtoonaya in uu taam ahaansho buuxa helo.

Waxa kale oo Real Madrid ka sii maqnaan doona goolhaye Keylor Navas oo isla kulankii Tottenham ka soo laabtay jug qarankiisa Costa Rica ku soo gaadhay waxaana kulankan goolka Madrid ku soo bilaaban doono Kiko Casilla halka sidoo kale Lucas Zidane uu isna maqan yahay taas oo la micno ah in goolhayaha da’yarka ah ee Moha uu badalka fadhiyi doono.

Dani Carvajal oo ka soo kabsanaya xaalad wadno xanuun ayaa wali sii maqnaan doona waxa uu sidoo kale shaki ku jiraa taam ahaansha buuxa ee Raphael Varane laakiin waxaa booskiisa sii xejisan doona da’yarka booskii Carvajal isku muujinaya ee Achraf Hakimi . Mateo Kovacic ayaa isna wali dhaawac la sii maqnaan doona.

Dhinaca kooxda martida ah ee Eibar waxaa dhaawacyo kaga maqnaan doona shan xidig oo kala ah Yoel Rodriguez, Pedro Leon, Fran Rico, Ivan Alejo iyo Ivan Ramos kuwaas oo aan dhamaan wax fursad ah u heli doonin kulankan muhiimka ah.

Eibar ayaa haddaba guuldarooyin waa wayn kala soo kulantay Barcelona (6-1), Villarreal (3-0) and Celta Vigo (4-0) waxayna markale wajahayaan Real Madrid oo diyaar u ah in ay ka soo kabsato dhibaatada garoonkeeda ku soo haysatay.

XOGTA KULANKA:

Tartanka: Kulanka 9-aad ee La Liga

Kulanka: Real Madrid vs Eibar

Waqtiga: 9:45 Habeenimo Ee Saacada Geeska Afrika

Garoonka: Santiago Bernabeu

SHAXDA MACQUULKA AH EE LABADA KOOXOOD:

Real Madrid XI: Casilla, Achraf Achraf, Nacho, Sergio Ramos, Theo Hernandez, Casemiro, Toni Kroos, Luca Modric, Isco, Cristiano Ronaldo, Karim Benzema.

Eibar XI: Dmitrovic, Capa, Arbilla, Oliveira, Lomban, Junca, Jordan, Garcia, Escalante, Inui, Enrich.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here