Jose Mourinho Ayaa Suuqa Galin Doona Lacag Ka Badan 250 Milyan Oo Euro Ogow Sababta

0
113

Macalinka Kooxda kubada cagta  Manchester  United ee Jose Mourinho ayaa suuqa galin doona lacag ka badan 250 Milyan oo euro si uu dib dhis ugu sameeyo Man United kadib xilli cayaareed soo socda

Man United ayaa guuldaro 1-0 ah kala kulantay Finalkii FA Cup-ka ay la cayaartay Chelsea Axadii taas oo keentay in ay Jose Mourinho baxdo iyaga oo fara maran

kooxda ay xafiiltamaan ee Man city ayaa ku guulaystay Premier League sidoo kale kooxda Liverpool gaartay Finalka champions League Waxa uu cadaadisku ku kordhay jose  si uu koob kooxda ugu hogaamiyo xilli cayaareedka dambe

Jose Mourinho ayaa ku wargeliyay gudoomiye kuxigeenka kooxda ee Ed Woodward bartilmaameedyadiisa suuqa kala iibsiga xagaaga kana mid yahay daafaca kooxda Tottenhham ee Toby Alderweireld.

Xiddigaha dookhiisa ah ee khadka dhexe uu u gudbiyay ayaa kala ah Fred, Jorginho Iyo Jean Michael Seri oo u kala cayaara Shakhtar,Napoli iyo Nice.

Jose Mourinho ayaa Woodward u sheegay in uu u baahan yahay ugu yaraan 5 xiddig oo cusub hadii uu doonayo in uu xilli cayaareedka dambe Man City kula tartamo hanashada horyaalka Premier League

Daley Blind, Matteo Darmian, Luke Shaw & Anthony Martial ayaa la filayaa in dhamaantood la iibiyo xilli uu Marouane Fellaini doonayo in uu si xor ah uga tago

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here