Klopp Oo Kashifay Sirta Ka Dambeysa Inay Yihiin Kooxda Ugu Badan Ee Xagaagan Goolal Ka Dhalisa UCL

0
177

In ciyaartoyda Liverpool gaara ahaan weerar yahanadooda ay xagaagan noqdaan kuwa tirada ugu badan ee goolal ka dhali Champions League, waa inay yihiin kuwa si wadajir ah iskula shaqeeya, sida laga soo xigtay macalinkooda Jorgen Klopp.

Klopp oo la hadlayey warbaahinta ayaa wuxuu tilmaamay in iyaga aysan ahayn midkoodka kooxaha ugu wanaagsan koobkaan, laakiin ay hadda cagta saarayaan wadadii ay ku gaari lahaayeen heerkaas.

Wuxuu cadeeyay in qudhiisa ay ku noqotay wax layaab leh inay goolasha ugu badan ay ka dhaliyaan koobka koowaad ee heerka kooxeed marka laga hadlo ugu xiisaha badan tartamada aduunka, kaasoo ah Champions League.

“Aad ayey sharaf iigu tahay waxa ay ciyaartoydeeda gaareen,” ayuu Klopp yiri.

“Tirada goolasha aan dhalinay waa mid layaab leh oo waali ah.

Waxaan dhalinay todoba gool labo jeer, iyo Shan oo min labo ah.

“Dhabtii waa wax waali ah, maxaa yeelay ma nihin Madrid ma nihiin Barcelona ama Bayern, waxaan nahay Liverpool, waxaana cagta saareynaa wadii aan ku noqon lahayn koox wanaagsan,” ayuu raaciyay

“Inagoo soo koobaya, waa sanad ciyaareed waali ah, laakiin waxaan ku guuleysanay booskeena final-ka, maxaa yeelay waxaan ahayn kuwa si wadajir usocda,” ayuu hadalkiisa kusoo gaba gabeeyay, maamulaha Liverpool ee Klopp.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here