LA OGAADAY: Tababare Mourinho oo qorshe weyn udagay Inuu Real Madrid kaga hor istaago De Gea

0
105

Tababaraha Man United Jose Mourinho ayaa hal sano oo dheeraad ah ku kordhinaya qandaraska David de Gea xili ciyaareedkan sidaas waxaa sheegaya wargeyska The Sun

26-jirkaan qaranka Spain ayaa mudo dheer lala xariirinayay kooxda Real Madrid waxaana qandaraaskiisa kooxda uga harsan labo sano.

Hase ahaatee macalinka kooxda Old Trafford ka dhisan ayaa diyaar u ah inuu heshiiska xidigan gaarsiiyo ilaa sanadka  2020-ka isla markaana lagu bur burin karo lacag aan caadi aheyn.

Heshiiskan cusub ayaa ka dhigaya in mushaarka de Gea uu todobaadkii qaato oo ah £180,000 looga dhigi doonto £200,000 si uu ugu mid noqdo xidigah horyaalka ugu mushaarka badan.

Warar ay The Sun heshay ayaa sheegaya: “kooxda waxaa ay dooneysaa iney kordhiso heshiiska De Gea oo ay sanad dheraad ah ku darto.

Qorshaha Mourinho ayaa ka dhigan iney Real Madrid kaga hor istaagaan iney mar kale soo dalbadaan, hase ahaatee Real ayaa haysata fursad ah iney lasoo saxiixato goolhayaha Chelsea Thibaut Courtois

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here