laacibka real madrid Cristiano Ronaldo & Saaxiibtiisa Cusub Oo Xalayto Ruxay Rooga Cagaaran Ee Xaflada Abaalmarinada FIFA.

0
125

Weeraryahanka Real Madrid Cristiano Ronaldo ayaa ka mid ahaa xiddigihii ka soo muuqday rooga cagaaran ee xafladii xalayto ee abaalmarinta FIFa ee ka dhacday magaalada Zurich ee dalka Switzerland.

Xafaladaas ayaa lagu arkay 31 jirkaan oo ku guuleysanaya abaalmarintii ugu horeysay ee The Best ee ay bixisay FIFA taasoo uu ku sii darsaday abaalmarinta Ballon d’Or oo uu ku guuleystay bishii December.

Markii uu Cristiano Ronaldo imaanayay xaflada, waxa ay warbaahinta dareenkooda u jeediyeen Ronaldo saaxiibtiisa cusub Georgina Rodriguez, iyadoo markii ugu horeysay si rasmi ah la isagu sawiray.

Georgina waxa ay sawiro la gashay Ronaldo iyo wiilkiisa oo isna lagu magacaabo Cristiano Ronaldo Jr.

Waxaa abaalmarintiisa xiddiga sannadka adduunka ee FIFA u sii dheereyd inuu ka soo dhex muuqday shaxda adduunka ee 2016 ee FIFA FIFPro  World11 oo iyadana xaflada lagu soo bandhigay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here