Luis Enrique oo ammaan ugu qubeeyay Lionel Messi kaddib RIKOODHKII uu xalay ka dhigay Champions League

0
90

Tababare Luis Enrique ayaa ku sheegay Lionel Messi kubbada cagta oo dhammeystiran kaddib markii uu xalay dhaliyay saddexleey isla markaana uu Champions League ka dhigay rigoodh aan horey loo dhigin.

Kabtanka xulka Argentina ayaa noqday laacibkii ugu horreeyay oo 6-jeer saddexleey ka dhaliyay tartanka Champions League kaddib saddexleydii uu ka dhaliyay Celtic kulankii ay 7-da gool uga adkaadeen.

Messi ayaa sidoo kale caawiye ka ahaa goolkii ugu dambeeyay kulanka uu dhaliyay Suarez wuxuuna sidoo kale keenay laadkii xorta ahaa uu dhaliyay Neymar.

Luis Enrique: Messi is total football

“Wuxuu ka ciyaarayaa meel kasta maxaa yeelay wuxuu heystaa xoriyad,” Luis Enrique ayaa sidaaa sheegay ciyaarta kaddib.

“Haddii aad u ciyaarsiiso sida Lambar 6, Lambar 8 amaba 10 waa kan ugu fiican adduunka, xariifnimo ma noqoneyso haddii aad xakameyso isaga.

“Waana sababta uu u yahay laacibka ugu fiican ebid kubbada cagta, shaki la’aan, lambaradiisa iyo aragtidiisa kubbada cagta waa kubbada cagta oo dhammeystiran.”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here