Man United Oo David De Gea+ €210 Milyan Ku Dalbanaysa Cristiano Ronaldo & Alvaro Morata Iyo Juventus Oo Ka Faa’iidaysanaysa Saxiixa Gianluigi Donnarumma

0
114

Waxaa soo baxay war sheegaya in Manchester United ay samaynayso dalab saamayn ku yeelanaya afar ciyaartoy oo kala ah Cristiano Ronaldo, David De Gea, Alvaro Morata iyo Gianluigi Donnarumma kaas oo ay ku lug lahaan karaan saddexda kooxood ee Manchester United, Real Madrid iyo Juventus.

Ugu horayn wargayska Talyaaniga ka soo baxa ee Tuttosport ayaa ku waramay in Manchester United ay diyaar la tahay dalab  €210 milyan euros ah oo lagu daray David De Gea si ay u hesho saxiixa  Cristiano Ronaldo iyo Alvaro Morata.Waxaana  la sheegay in Real Madrid ay kaga maarmi doonto xiisaha goolhaye  Gianluigi Donnarumma wxuuuna dalabkan Red Devils uu dariiqa u furayaa in Juventus ay ku guulaysato saxiixa goolhayaha AC Milan ka falaagoobay ee Gianluigi Donnarumma.Real Madrid ayaa dhawaan ka baxay xiisihii ay David De Gea ku doonaysay waqtiga dheer kadib markii ay Manchester United soo diiday dalab 60 milyan oo gini ahaa waxayna Los Blancos doonaysay in ay AC Milan kala wareegto goolhayaha da’yarka ah ee Gianluigi Donnarumma kaas oo si rasmi ah u diiday in uu wax heshiis cusub ah saxiixo.

Balse haddii ay Real Madrid aqbasho dalabka qaaliga ah ee Manchester United ee uu qaybta ka yahay David De Gea waxay Juventus fursad wayn u helaysaa Gianluigi Donnarumma uu kooxdeeda ku soo biiro oo uu Buffon badalkiisa tooska ah noqdo.

Heshiiska Gianluigi Donnarumma ayaa dhacaya 2018 waxayna Milan haysataa doorashada ah in uu xili ciyaareedkan ka sii tirsanaado oo uu dhamaadka xili ciyaareedka cusub si xor ah kaga baxo iyo in ay haddaba lacag ka samayso oo ay badalkiisa raadsato.

Dalabka Manchester United ee qiimaha sarre ah ayaa imanaya xili Cristiano Ronaldo uu cadeeyay in uu Real Madrid ka baxayo waxayna Los Blancos dhegaysan doontaa dalabyada xidiga ree Portugal lagu doonayo iyada oo waliba Man United kaga heli karta goolhayihii ay waqtiga dheer u waalanaysay ee David De Gea.Maamulaha guud ee Juventus ee Beppe Moratta ayaa cadeeyay in Juventus ay ku jirto tartanka goolhaye Gianluigi Donnarumma waxayna Man United uga mahad celinaysaa in David De Gea ay u ogolaato in uu Real Madrid ku biiro si ay Old Lady hogaanka ugu qabto loolanka goolhaye Gianluigi Donnarumma.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here