MAQAAL: Waa Kuwee 15 Ka Ciyaartoy Ee Xili Suuqan Lacagaha Ugu Badan Lagula Wareegi Karaa, Min Ronaldo, Verratti Ilaa Diego Costa Iyo Liiskan Oo Dhamaystiran.

0
174

Markii horeba waxaa xili suuqa xagaagan la filayay in uu noqon doono mid aad rekoodh cusub u dhigi doona lacagtii ay kooxaha Yurub ugu waa wayni ciyaartoyda kula soo wareegi jireen sanadihii la soo dhaafay laakiin waxaaba si lama filaan ah soo baxaya warar waa wayn oo suuqa kala iibsiga ciyaartoyda xamaasad iyo xaalad cusub ka abuuray.

Laba todobaad ka hor ayay ahayd markii uu Diego Costa qarxiyay sirta fariin uu ka helay macalinka kooxdiisa Antonio Conte oo si cad loogu sheegay in aanu qayb ka ahayn qorshihiiisa xili ciyaareedka cusub wuxuuna ahaa war aduunka kubbada cagta ka wareeriyay qaabka naxariis daraada ee aanu Conte u ixtiraamin xidig ka soo caawiyay in uu koobka Premier Leaque-ga ku soo guulaysto xili ciyaareedkiisii horeeyay.

Xaalada Dieog Costa ayaa sii hurisay xaamasadii suuqa kala iibsiga ciyaartoyda laakiin waxaa sidii qarax oo kale aduunka hal mar u qabsaday warkii uu Cristiano Ronaldo aduunka kaga yaabsaday ee uu ku sheegay in uu gaadhay go’aan uu Real Madrid kaga baxayo oo aan waliba lahayn ka soo laabasho.

Haddaba shabakada gool24.net ayaa halkan idiinku soo gudbinaysa xidigaha xili suuqan saamaynta ugu wayn ku yeelan doona suuqa kala iibsiga ciyaartoyda ee ilaa hadda u muuqda in ay kooxo kale ka ciyaari doonaan iyada oo waliba ay hubaal noqon doonto rekoodh lala yaabo oo dhinaca lacagta ah ay kooxuhu gaadhi doonaan haddii ciyaartooydan lala wareego.

Marka hore aanu idiin soo gudbino xidigaha haddaba suuqa kala iibsiga lagula kala wareegay ee uu qiimahoodu yahay 20 milyan oo gini uu ka sarreeyo kuwaas oo albaabka u furaya qiimo lacageed oo waali ah oo aad filan karto in xili suuqa xagaagan laga diwaan galin doono.

1-Bernado Silva- Manchester City =42.5 milyan gini

2-Ederson- Manchester City= 34 milyan gini

3- Victor Lindelof- Manchester United=30.7 milyan gini

4-Davy Klaassen -AS Monaco= 22.95 milyan gini

5-Youri Tielemans- AS Monaco= 21.25 milyan gini.

6-Jordan Pickford- Everton = 24.2 Milyan gini

7- Andre Silva- AC Milan= 32.3 milyan gini

8-Corentin Tolisso- Bayern Munich =35.3 Miyan gini

Waxaan filayaa in aad fahantay sababta uu xili suuqani u noqon doono mid lala yaabo iyada oo wali bisha June la marayo isla markaana ayna wali suuqyadii si rasmi ah u furmin ayaad arki kartaa in siddeeda ciyaartoy ee aan soo xusnay ay haddaba gaadheen lacago aad u badan balse intani dhibic kama aha waxa soo socda ee ila filayo.

Koox kasta oo wayn oo Yurub ka dhisan ayaa doonaysa in ay lacag badan suuqa galiso iyada oo waliba rekoodhkii suuqa kala iibsiga ciyaartoyda ee Paul Pogba uu haddaba halis wayn ku jiro waxaana jabin doona mid ka mid ah xidigaha aan soo wadno.

1-CRISTIANO RONALDO: Ilaa hadda warka Cristiano Ronaldo ayaa ah kan ugu wayn suuqa kala iibsiga waxayna Real Madrid isa siisay laba todobaad oo ay isku daydo in ay Ronaldo xaaladiisa ku xaliso ama ay go’aan kaga gaadho. Waxaa lagu qiimaynayaa lacag ka bilaamaysa 180 milyan oo euros iyada oo wargaysyada qaar ay gaadhsiinayaan ilaa 400 milyan oo eruos, waana hubaal in haddii uu baxo Ronaldo uu markale rekoodh u dhigi doono suuqa kala iibsiga.

2-KYLIAN MBAPPE: Xidiga labaad ee suuqa kala iibsiga ugu hadal-haynta badan ayaa ah da’yarka kooxda AS Monaco kaas oo haddii uu Ronaldo baxo markiiba noqon doona xidiga ugu horeeya ee ay Madrid la soo saxiixan doonto inkasta oo ay tartan xoogan kala kulmayso kooxo ay ka mid yihiin PSG, Man United, Arsenal, Liverpool iyo Man City. Qiimaha Mbappe ayaa haddaba lagu dalbaday 135 milyan oo euros oo ay waliba Monaco diidan tahay.

3-ROMELU LUKAKU: Xidiga saddexaad ee suuqa kala iibsiga rekoodh cusub ka dhigi kara ayaa ah Romelu Lukaku oo ay Chelsea ku dhawdahay in ay la soo wareegto laakiin Everton ayaa 100 milyan oo euros ku doonaysa iyaa oo aan haddii kale aqbalayn dalab kale sida horeba loo sheegay.

 

4-MARCO VERRATTI: Xidiga afraad ee uu qiimihiisa suuqu 100 milyan gaadhayo ama uu ka badan yahay ee xagaagan lala wareegi karo ayaa ah Marco Verratti oo ay Barcelona si wayn u doonayso. PSG ayaa xidigan ku qiimaynaysa in ka badan 132 milyan oo euros balse kooxda Blaugrana ayaa doonaysa in Verratti uu kooxdiisa ku qasbo in la iibiyo. Laakiin ugu yaraan PSG ayaa Verratti u ogolaan karta in uu baxo haddi Barcelona ay rekoodh cusub u dhigayso suuqa kooxdeeda.

5- PIERRE EMERICK-AUBAMEYANG: Xidiga shanaad ee qiimo wayn oo suuqa ah lagu iibsan karo ayaa ah Pierre Emerick-Aubameyang oo ka tirsan kooxda Borussia Dortmund waana xidig lagu qiimaynayo 100 milyan oo euros ama lacag ka badan waxaana doonaya kooxo badan oo ay hadda PSG ugu horayso. Laakiin iyada oo xidigani uu ku riyoodo in uu Real Madrid ka ciyaaro ayay Madrid la soo wareegi kartaa haddii ay lacagta waalida ah ka hesho Ronaldo oo ilaa hadda go’aansaday inuu baxo.

6- OUSMANE DEMBELLE:  Xidiga lixaad ee suuqa kala iibsiga looga hadlayo in xagaagan lala wareegi doono ayaa ah Ousmane Dembelle kaas oo ay Barcelona isna ka dhiganayso bartilmaameed muhiim ah laakiin Dortmund ayaa da’yarkan ree France ku qiimaysay 100 milyan oo euros inkasta oo ay 12 bilood ka hor kula soo wareegtay 15 milyan oo euros oo kaliya. Dortmund ayaa doonaysa in ay lacag faa’iido waali ah ka samayso da’yarkan haddiiba ay Barcelona kaga dhabaynayso xiisaheeda.

7- ANDREA BELOTTI: Xidiga todobaad ee suuqa kala iibsiga rekoodh cusub ka dhigi kara ayaa ah gool dhaliyaha kooxda Torino ee Andrea Belotti kaas oo ay doonayaan kooxo badan oo Yurubi ahi isla markaana ay kooxdiisu madixiisa dul dhigtay 100 milyan oo euros. Man United, Chelsea iyo Real Madrid ayaa si wayn loola xidhiidhinayay.

Halkan kaga bogo xidigaha kale ee xili suuqa lacagaha badan balse aan 100 milyan gaadhin lagula kala wareegi karo: 

7- Alvaro Morata- Real Madrid

8- James Rodriguez- Real Madrid

9- Diego Costa- Chelsea

10- Thomas Lemar -AS Monaco

11- Wayne Rooney- Man United

12- Alexis Sanchez- Arsenal

13-Tiemoué Bakayoko

14- Alexandre Lacazette-Lyon 

15-  Virgil van Dijk

Waxay 15 kan ciyaartoy ka mid yihiin liis aad u dheer oo ah ciyaartoyda xagaagan suuqa lugakala doonayo waxayna intan oo kaliyi noqon karaan lacag layaableh haddii ay kooxaha doonayaa ku wada guulaystaan saxiixyadooda. Waxaana jira xidigo badan oo hadba soo baxaya kuwaas oo ku soo biiraya xidigaha ugu qaalisan ee loogu doonista badan yahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here