Maydadkii kooxda Chapecoense & dadkii kale ee la dhintay oo la geeyay dalka Brazil

0
104

Magaalada Chapeco ee ku taalla dalkaasi Brazil oo ay kooxdeedii Chapecoense ku maratay shil dayuuradeed oo Isniintii dhacay ayaa lagu celiyay maydadkii laacibiinta oo naxashyo ku jira.

Kooxda ayaa shilka gashay jeer ay ku dhex safarayeen dalka Colombia oo ay kulasoo ciyaari lahaayeen kooxda Atletico Nacional oo ka dhisan magaalada Medellin ee dalkaasi.

In badan 100,000 oo qof ayaa jidadka iskugu soo baxay – taasoo ka dhigan kala bar dadka magaalada Chapeco – waxaa sidoo kale buuxsamey garoonka kooxdan oo 20 kun qaad ah, halkaas oo ay ka socotey tacsiga kooxda.

50-kii mayd ee ugu hor yimi dadkii shilka ku dhintay ee reer Brazil ayaa waxaa soo dhoweeyay madaxwaynaha Brazil ee Michel Temer.

Saraakiisha hawada Colombia ayaa loo sheegay in dayuuraddu kasoo haaddey Cobija, oo 500 mayl u jirta meeshii ay markii hore kasoo baxday ee Santa Cruz, taasoo ka dhigan in markii ay imanaysay Medellin, uu shidaalku aad ugu yaraa, nasiib xumo waxaa lagu amray inay hawada ku wareegaalaysato meel 20 mayl koonfur ka jirta garoonka, waxayna markii dambe ku dhacday buur 11 mayl u jirta garoonka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here