Real Madrid Oo Badalka Cristiano Ronaldo Ka Arkootay Premier League Laakiin Kooxo Kale Ayaa Ku Ciriirinaya

0
154

Kooxda Real Madrid ayaa lagu soo waramayaa in ay ku soo biirtay baacsiga loogu jiro xiddiga weerarka uga ciyaara xulka qaraka Chile iyo Kooxda Arsenal ee Alexis Sanchez.

Wargayska Don Balon ayaa sheegaya in ay Kooxda Kooxda Real Madrid Alexis Sanchez u aragto badalka ugu macquulsan ee ay Ku buuxin karaan Booska laga yaabo in uu baneeyo Cristiano Ronaldo.

Ronaldo ayaa dhawaan maamulka Kooxdiisa Real Madrid ku war galiyay in uu doonayo in uu isaga tago Spain kadib markii uu la kulamay eedaymo dhanka cashuurta ah.

Si kasta ha ahaatee Real Madrid ayaa u kuur gashay xiddigii ay ku badali lahayd xiddigan reer Portugal hadii ay ku qancin weydo in uu kooxda iska joogo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here