Wararkii Ugu Danbeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda Iyo Waxyaabihii Ay Wargaysyada Ingiriisku Maanta Oo Sabti Ah Ah Ka Qoreen.

0
127

Maalin wanaagsan akhristayaasha sarafta lehow meel kasta oo aad aduunka ka joogtaan, kuna soo dhawaada barnaaamijkeenii maalin laha ah ee aanu sida joogtada ah idiinku soo gudbino waxyaabaha ay wargaysyadu ka qoraan suuqa kala iibsiga ciyaartoyda.

Suuqa kala iibsiga ciyaartoyda ayaa si rasmi ah u furmay July 1 wuxuuna xidhmi doonaa August 31, waxayna kooxuhu si wayn ugu hawlan yihiin in ay la soo saxiixdaan ciyaartoyda ay u arkaan in ay horumarin ku samayn karaan safafka kooxahooda ka hor inta aanu bolaamin xili ciyaareedka cusubi waxaana haddaba jira xidigo badan oo kooxaha Premier Leaque-gu dagaal ugu jiraan in ay la soo waregaan.

Haddaba shabakada Gool24.net ayaa isha soo marisay waxyaabihii ugu muhiimsanaa ee ay wargaysyada Ingiriisku ka qoreen suuqa kala iibsiga ciyaartoyda saaka oo sabti ah waxaanad kaga bogan kartaa halkan hoose. Wargayskasta wararka aanu idiinka soo qaadanay ayaa qaybtiisa ku qoran.

Barcelona oo saddex ciyaartoy oo horyaalka Premier Leaque ah u calaamadsatayi n midkood uu badal u noqon doono Neymar Jr haddii uu ku biiro PSG waxayna kala yihiin Eden Hazard,Philippe Coutinho iyo xidiga kooxda Tottenham ee Dele Alli.

Alexis Sanchez ayaa wakiilkiisa ku khilaafay mustaqbalkiisa iyada oo xidiga ree Chile uu doonayo sidii uu uga bixi lahaa Arsenal isaga oo doonaya kubbada cagta Champions Leaque-ga oo ay Gunners ka maqan tahay xili ciyaareedka cusub.

Manchester City ayaa ka war sugaysa xaalada Alexis Sanchez ee Arsenal kaas oo barbaraha bulshada soo dhigay in uu xanuun sanayo saacado kadib markii uu Arsene Wenger sheegay in xidiga ree Chile uu axada ku soo laaban doono tababarka kooxdiisa.

Kooxda AS Roma ayaa ku fashilantay dalabkii labaad ee ugu danbeeyay oo ay ku doonaysay Rihad Mahrez waxayna Leicester City iska diiday dalab kale oo ka yimid Roma kaas oo sabab u noqonaya in Mahrez uu wali ku sii aqsbanaado tababarka Foxes.

Bayern Munich ayaa si rasmi ah u shaacisay in Chelsea ay ka mid tahay kooxaha u dagaalamaya saxiixa da’yarka aan waqtiga fiican Allianz Arena ku soo qaadan ee Renato Sanches waxayna Blues ka mid noqotay 9 kooxood oo saxiixa xidigan doona waxaana ka mid ah Man United iyo AC Milan.

Wakiilka Lucas Perez ayaa xaqiijiyay in Arsenal ay dalab ka heshay kooxdii ay xagaagii hore Perez kala soo wareegtay Deportivo La Coruna iyada oo Perez uu aaminsan yahay in Arsenal ay khiyaamo kula kacday kadib markii uu ogaaday in iyada oo aan waxba laga waydiin lambarkiisii la siiyay Lacazetti.

Inter Milan ayaa wali xaalada Man United ugu adkaynaysa in Mourinho uu helo bartilmaameedkiisa Ivan Perisic wuxuuna macalinka Inter ee Luciano Spalletti uu wali ku adkaysanayaa in Anthony Martial uu amaah kooxdiisa ugu soo biiro si uu qayb uga noqdo heshiiska Perisic.

Alex Sandro ayaa ugu danbayn Antonio Conte kula soo biiri kara Chelsea iyada oo kooxda Blues ay diyaar u tahay in lacagtii abid ugu badnayd oo 61 milyan oo gini ah ay xidiga ree Brazil ku doonayso.

Gooldhaliyaha Arsenal ee Alexis Sanchez ayaa samayn kara gadood aanu kaga soo muuqan doonin xerada tababarka Arsenal si uu qasab uga dhigo in xagaagan la iibiyo isaga oo waliba doonaya in uu Manchester City ku biiro.

Southampton ayaa haddii ay Liverpool u waydo adeega difaaca dhexe ee Virgil van Dijk waxay badalkiisa u calaamadsatay difaaca kooxda Tottenham ee Kevin Wimmer. Van Dijk ayaa gabi ahaanba laga saaray liiska Saints wuxuuna sugayaa inta uu Liverpool kaga biirayo.

Paris Saint-Germain ayaa doonaysa in Barcelona ku indho sarcaado Angel Di Maria iyo waliba 222 milyan yuro si ay u hesho kaliya adeega Neymar Jr kaas oo ay doonayso in ay isniinta ama talaadada heshiiskiisa soo gabagabayso.

Manchester City ayaa isku diyaarinaysa in ay Alexis Sanchez usbuucii mushaar ahaan u siiso £320,000 kun oo gini kadib markii uu xidiga ree Chile sheegay in uu xanuunsano iyada oo looga yeedhay tababarka kooxdiisa waxayna haddbadaba ciyaartoyda Man City bilaabeen in ay Sanchez ka sheekaystaan.

Bartilmaameedka kooxaha AC Milan, Chelsea iyo Manchester United ee Andrea Belotti ayaan kooxda Torino kaga bixi karin lacag ka hoosaysa 90 milyan oo gini sida uu cadeeyay tababaraha Torino ee Sinisa Mihajlovic.

Kooxaha Liverpool, Arsenal iyo Tottenham ayaa dhamaantood xiisaynaya xidiga kooxda Barcelona ee Rafinha kaas oo la filayo in uu xili suuqan ka bixi karo Camp Nou.

Arsenal ayaa miisaamaysa in ay la soo saxiixato xidiga khadka dhexe ee kooxda Udinese ee Jakub Jankto sida uu wakiilka xidigani sheegay.

Dhinaca kale Arsenal ayaa doonaysa Juan Cuadrado laakiin Juventus ayaa xidigan ku qiimaynaysa £26.8 milyan gini inkasta oo ay dhawaan heshiiskiisii amaahda ahaa ka dhigtay mid rasmi ah.

Antonio Conte ayaa wali bartilmaameedsanaya Antonio Candreva si uu Victor Moses ugula tartartamo difaaca midig isla markana uu Pedro culayska ugu saaro garabka weerarka.

Manchester United ayaa wada xaajood heshiiska loogu kordhinayo la furtay xidiga khadka dhexe ee Ander Herrera si ay meesha uga saarto xiisihii ay Barcelona u muujisay xidiga ree Spain.

Southampton ayaa rajaynaysa in difaaca falaagaada noqday ee Virgil van Dijk kooxdiis dib loogu soo celiyo todobaadka soo socda iyada oo macalinka cusub ee  Mauricio Pellegrino uu markale kabtankiisa u sheegi doono in aan xagaagan la iibin doonin.

Wariye Absa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here