Askar lagu laayay Weerar Gaadmo ah

0
93

Ugu Yaraan 6 Askari ayaa ku dhimatay ka dib Weerar gaadmo ah oo lagu qaaday Saldhiga Ciidamada Milatariga dalka Mali ay ku leeyihiin Waqooyi dalkaasi.

Sidoo kale waxaa dhaawac uu soo gaaray in ka badan 10 Askari.

Weerarkaan ayaa ka dhacay Magaalada lagu magacaabo Bintagoungou, halkaasoo saldhig weyn ay ku leeyihiin Ciidamada dowladda Mali.

Weerarkaan ayaa waxaa geystay Maleeshiyaad hubeysan oo la aaminsan yahay in ay ka amar qaataan Kooxda Boko Xaram.

Maleeshiyadda Weerarka qaaday ayaa sidoo kale burburiyay Gawaari dagaal.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here