Dawlada Imaaraatka Carabta oo saamayn milateri kuyeelaneysa Geeska Afrika

0
89

Dawlada Imaaraatka Carabta ayaa saamayn milateri kuyeelaneysa Geeska Afrika ayadoo taageero milateri u fidineysa dalalka gacanka waqooyi bari Afrika.

Waqooyi bari Afrika ayaa waxaa ku yaala dalal sideed ah. Waxay sidoo kale dawlada Imaaraatka Carabta halkaa ka heshay labo xero oo militari.

Midkood waxay kutaal Somaliland midna Eriteria. Dagaalka Yemen ayay labaduba u yihiin muhiim maadaama ay qarka ku hayaan gacanka Cadmeed.

Sidoo kale ayaa Soomaaliya gaar ahaan dawlada federaalka ah iyo Puntland waxay Imaaraadka ka helaan caawimaad militari.

Waxaa dawladu Imaaraatku tababartaa ciidamada Puntland iyo dawlada federaalka ah qaar ka tirsan.

Sidoo kale ayay gacan ka geysatay hirgalinta booliska Soomaaliya gaar ahaan dawlad goboleedka Puntland.

Min 2015 waxaa dawlada Imaaraatka Carabta la jirtay xulufada Sacuudiga ee la dagaalama Xuutiyiinta Yemen

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here