Diyaaradaha Sacuudiga oo Tababar Mileteri kala qeyb qaadanaya dhigooda Turkiga.

0
91

Diyaarado ka socoda Ciidamada Cirka Boqortooyada Sacuudi Carebiya ayaa maanta gaaray Saldhigga  lagu magacbo Quniya oo ku yaal gudaha dalka Turkiga,halkaaso labada Ciidan,  si wada jir ah ugu sameyn doonaan Tababar Mileteri oo loogu magacdaray Al-nuur 2016 ,  kaas oo ay ka qeyb qaadanayaan Diyaaradaha Nooca Koger.

Sida ay qortay Wakaalada Wararka Iina Diyaradaha Koger oo ay labada dal Sacuudiga iyo Turkiga Saldhigaasi geeyeen  ayaa ah kuwo loogu tala galay gurmadka  iyo badbaadinta shilalka nooc kasta ha ahaadee.

Waxaa kaloo iyana Tababarkaasi Miletery ka qeyb qaadanayaa  dalalka Azerbaijan,Jamhuuriyad waqooyiga Qubrus, Niger iyo Romania, wuxuuna bilabmi doonaa 21ka bishan oo ku began isniinta soo socota, kadib markii ay soo dhameystirmaan Diyaradaha Tababarkaasi wada jirka ah ka qeyb qaadanaya.

Ciidamada Cirka ee Sacuudiga ayaa  hore uga qeyb qaatay, Tababaro Mileteri. oo ka dhacay gudaha dalka TURKIGA.

Sidoo kale Ciidamada Cirka ee labadaasi wadan, ayaa bishii Febrayo ee tagtay si wada jir ah u sameeyay Dhoolatus Miletery oo socoda muddo shan maalmood ah, kaa oo ay ka qeyb galeen lix ka mid ah Diyaaradaha dagaalka Sacuudiga nooca Diraz” F15.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here