Kashmiir: Ciidamada India oo 17 askari looga dilay weerar ka dhacay Xaduuda

0
114

Maleeshiyaad hubeysan oo ka tirsan kooxaha u dagaalama madax banaanida gobalka Kashmiir ee India maamusho ayaa Axadii shalay weerar ku qaaday Saldhiga Ciidamada India ku leeyihiin magaalada Uri ee saaran xadka u dhaxeeya deegaanada ay ka kala taliyaan India iyo

Pakistaan ee Kashmiir.

Weerarkan ayaa la sheegay inay fuliyeen afar dagaalyahan kuwaasi oo aroornimadii shalay subax gudaha u galay saldhiga Militariga India xili ay askarta intooda badan hurdeen, waxayna qaraxyo la beegsadeen goobaha ay askarta seexato ee saldhigaasi oo qeyb kamid ah dab la qabadsiiyey.

Kadib waxaa halkaasi ka bilowday iska horimaad muddo saacado ah socday, Taliska Ciidanka India ayaa xaqiijiyey in weerarkan ay uga dhinteen 17 askari, waana weerarkii ugu cuslaa ee ciidamada India lagu qaado in dhawaale.

Gobalka Kashmiir oo u qeybsan labo qeybood ayey kala maamulaan India iyo Pakistaan, gobalkaasi oo dadka degen u badan yihiin muslimiin ayaa in badan oo kamid ah dooneysaa inay helaan madax banaani. Xukuumada India ayaa ku eedaysay dowlada Pakistan inay ka danbeyso abaabulka maleeshiyaadka weerarka kusoo qaad

kashmir-weerar-uri-740x416

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here