Maraykanka oo ku gacan sayray eedaymaha Ruushka ee inay hub siinayaan fallaagada Suuriya

0
101

Maraykanka ayaa diiday eedayn kaga timid Ruushka in Xukuumadda Washington ay hub milateri oo casri ah siinayso fallaagada dagaalka kula jiro dowladda Suuriya.

Af-hayeenka waaxda arimaha dibadda  Maraykanka, Mark Toner, ayaa maalintii Salaasada sheegay in maamulka Madaxweyne Obama ee waqtigiisu dhamaanaya weli kasoo horjeedo inay siiso hubka difaaca hawada – loo yaqaanno MANPADS – kooxaha mucaaradka Suuriya.

“Aragtideena ku aaddan MANPADS weli isma badelin. Waxaan aad uga walaacsan nahay in hubka noocaasi uu gaaro Suuriya,” ayu yiri Toner.

Wuxuu sheegay in xukuumadda Obama ka cabsi qabto in gantaallada lagu soo rido diyaaradaha u gacan geli karo mucaardka kuwaasi oo u adeegsan kara diyaaradaha rayidka.

Hadallada Toner ayaa imaanaya maalin kadib markii Ruushku kadigay in go’aannada Maraykanka uu ku fududeyay hubaynta mucaaradka ay khalkhal gelinaysa diyaaradaha dagaalka Ruushku iyo shaqaalaha milateriga Suuriya.

Horaantii bishan December, Aqalka Cad ayaa sheegay in Obama uu joojiyay xeerkii loogu magac daray xakameynta hubka loo dhoofiyo mucaaradka “taageersan Xoogagga Gaarka Maraykanka” ee Suuriya isagoo sheegay in dabacsanaan taasi khatar ku keeni karto “danta ammaanka qaran” ee Maraykanka

Wasaaradda Arimaha Dibadda Rushka ayaa Salaasadii sheegtay in go’aankaasi ay u arkayso ‘ficil cadownimo’ iyadoona ugu digtay in maamulka Obama isku dayey inuu sii adkeeyo xaaladda addunka ka hor inta Madaxweynaha la doortay ee Donald Trump kala wareegin Aqalka Cad bisha January.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here