Trump oo ka codsaday Israel inay dulqaadato ilaa uu gelayo Aqalka Cad

0
91

Madaxwaynaha dhawaan loo doortay dalka Maraykanka ee Donald Trump ayaa Israel ugu baaqay in ay adkaystaan oo samraan ilaa si rasmi ah ula wareegayo talada dalka Maraykanka taasi oo la filaayo 20 ka bisha January.

Sidoo kale Trump wuxuu boggiisa Twitter-ka kusoo qoray hadal ah “noqda kuwa xoog badan Israel, January 20  aad ayey u dhawdahay,” wuxuuna intaasi kusii daray “ma dhici karto in sida ixtiraam la’aanta ah uladhaqano Israel.”

Dhanka kale, Raisul Wasaare Benjamin Netanyahu ayaa ugu jawaab celiyay fariin ah “waad ku mahadsantahy saaxiibtinimada diiran ee aad noohayso iyo taageerida muhiim ka ah.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here