USA: Wiil Soomali ah oo geystay Weerarkii St.Could & Jaaliyada Soomaalida oo ka hadashay

0
106

Jaaliyada Soomaalida ee magaalada St.Could ee gobalka Minnesota ee dalka Maraykanka ayaa si adag u cambaareysay weerarkii shalay uu geystay Wiil Soomaali ah oo toorey ku weeraray dad shacab ah oo ku sugnaa goob suuq ah.

Kooxda Daacish ayaa warbaahinteeda ku daabacday in ninkaasi uu kamid ahaa askartooda, kooxdaasi ISIS ayaa sheegatay weerarkan ka dhacay Minnesota.
Booliiska St.Could oo arrintan baaritaan ku wada ayaan weli si rasmi ah u shaacin magaca Wiilka weerarka geystay, balse saxaafada Maraykanka ayaa magaciisa ku sheegtay Dahir Adan oo ahaa 22 sano

jir, waxaana baraha

internetka lagu faafiyey Sawirkiisa iyo bogiisa Facebook.

Wiilkan ayaa la sheegay inuu dhigan jiray Jaamacada St.Could University isla markaana uu xiliyada danbe uu qaban jiray shaqo waardiye ah, waxaana la sheegay inuu dharkiisa shaqada ku labisnaa xiliga uu weerarka geystay. Ugu yaraan 9 qof ayuu mindida uu sitay ku dhaawacay kahor intaan uu toogan Askari dhar cad ahaa oo ku sugnaa Suuqa weerarka ka dhacay oo lagu magacaabo Crossroads Center mall.

Jaaliyadda Soomaalida iyo Aabaha dhalay wiilkan ayaa iska fogeeyey weerarkan iyagoo sheegay inay kasoo horjeedaan fal walba oo argagaxiso ah ama haka dhaco gudaha Maraykanka ama dibadiisa, waxayna sheegeen inaysan la socon in wiilkan falkan geystay uu wax xiriir ah la lahaa kooxaha xagjirka ah

 

us-weerar-stcloudmn2

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here