Waqooyiga Kuuriya Oo Mar Kale Tijaabisay Gantaalada Ridada Dheer.

0
104

Nourth Koria (RKGS) Waqooyiga Kuuriya ayaa mar kale tijaabisay gantaalada ridada, iyadoo iska indha tirtay cunaqabateynta ay ku soo rogtay Qaramada Midoobey ee looga mamnuucay tijaabinta gantaalada.

Telefishinka dowladda ayaa sheegay in labo gantaal oo kuwa ridada dheer la tijaabiyay, kaasoo mid ka mid ah aan lagu guuleysan.

Hase ahaatee gantaal labaad ayaa saacado kadib la riday, waxaana uu hawada ku jiray, illaa 400Km, kadibna waxaa uu ku qarxay Badda.

Gantaaladan ayaa laga taro bariga xeebta waqooyiga Kuuriya, halkaasoo muddooyinkii u dambeeyay aheyd meelaha inta badan laga ridayay gantaalada.

Bilihii u dambeeyay waqooyiga Kuuriya ayaa ku guuldareysanayay tijaabinta gantaalada ridada dheer ee Balastikada, iyadoo inta aanu gaarin meelihii la rabay inuu ka qarxo.

Waqooyiga Kuuriya ayaa dhowaan waxaa lagu soo rogay cunaqabateyn, iyadoo sii wado barnaamijkeeda horumarinta hubka Nuclear-ka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here