Biyo yaraan ba’an oo laga soo sheegayo deegaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya

0
160

Biyo yaraan ba’an ayaa laga soo sheegayaa koofur galbeed Soomaaliya gaar ahaan gobolka Bakool.

Dad biyo yaraanta iyo baad la’aan isugu darsantay kasoo barakacay ayaa soo gaaray magaalada Baydhabo. Dalagyadii ayaan u bixin xilliyadii lasoo dhaafay sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen.

‘Saddex sano waxba nooma bixin bakaarna waxba nooguma jiraan’. Sidaa ayay tiri haweeney ka mid ah barakaceyaashaa.

Deegaanada Bakool ee biyo yaraantu saameysay ayaa waxaa ka mid ah Yeed. Deegaano hoos yimaada ayaa sidoo kale biyo la’aantu haleeshay.

Ceelasha ayaa biyo aad u yari kujiraan sidoo kalena xoolo badan ayaa dhintay oon dartii haatana dadkii iyo duunyada ayaa halkaa geeri qarka usaaran.

Masuuliyiin kasoo jeeda gobolada koofur galbeed ayaa ku baaqay in gargaar lala soo gaaro dadka ay saameysay biyo la’aantu.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here