Dagaal culus oo ka dhacay degmada Afgooye

0
95

Maleeshiyaad ka tirsan kooxda al-Shabaab ayaa weerar culus xalay maqribkii ku qaaday degmada Afgooye kaasi oo ka dhashay dhimasho iyo dhaawac.

Xaalada degmada Afgooye ayaa saakay degan kaddib dagaal culus oo  fiidnimadii xalay ku dhaxmaray ciidamada dowladda iyo xoogag ka tirsan al-shabaab.

Dadka ku dhaqan degmada Afgooye ayaa warbaahinta u sheegay in ay socdaan baaritaano ay wadaan ciidamada dowladda, gaar ahaan xaafadihii xalay lagu dagaalamay.

Saraakiisha ciidamada dowladda ee degmada Afgooye ayaa warbaahinta u sheegay dagaalkii xalay dhacay al-shabaab uga dileen labo ka tirsan xoogagii weerarka soo qaaday, halka dhinaca dowlada la sheegay in uu ka dhintay sarkaal lagu magacaabo Daahir Digoote.

Weerarkii xalay al-shabaab ay ku qaadeen degmada Afgooye ayaa noqonaya kii labaad oo sanadkan naga dhamaanaya ay ku qaadaan degmada oo dhinaca galbeed 30km uga beegan magaalada Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here