DHAGEYSO: Khayre “DF colaada sidii loo dhameyn lahaa ayay ka shaqeyneysaa”

0
98

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa sheegay in ay ka shaqeynayaan sidii loo heshiisiin lahaa dadka colaada ka dhaxeyso ee ku sugan gobolada dalka iyo gobolka Banaadir.

Khayre ayaa sheegay in uusan dagaal ka dhaxeyn Shacabka Soomaaliyeed balse ay isdagaalsan yihiin Masuuliyiinta, ganacsatada iyo Siyaasiyiinta.

Waxa uu sheegay in loo baahan yahay in meel looga soo wada jeesto sidii nabad waarta loo heli lahaa islamarkaana shacabka Soomaaliyeed ay u noqon lahaayeen dad midnimadooda xoojiya.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa tilmaamay in dadka Soomaaliyeed ay hada diyaar u yihiin xoojinta dowladnimada iyo ka shaqeynta Nabadda.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa hadalkan ka sheegay kadib markii uu ka qeyb galay Shirweynaha Wadatashiga Qaran ee Hanaanka dib u heshiisiinta ee ka soconaya magaalada Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here