Dowladda Britain oo sheegtay in 1.5 oo gini ugu deeqayso Soomaaliya

0
97

Dowladda Britain ayaa ku dhawaaqday in 1.5 milyan oo gini ay ku bixinayso maalgelinta dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha ee dalka Soomaaliya

War qoraal ah oo ka soo baxay Waaxda Horumarinta Caalamiga ah ee dowladda Britain oo nuqul ka mid ah uu soo gaaray Warbaahinta Qaranka ayaa lagu sheegey in dowladda Braitain ay ku yaboohday lacag gaaraysa 1.5 miliyan oo giniga Ingiriiska, taasi oo loogu talagalay in mashaariic horumarineed looga fuliyo Soomaaliya.

Lacagtaasi oo la soo marinayo Bankiga Horumarinta Africa ayaa waxyaabaha loogu talogaya waxaa ka mid ah Kaabayaasha Dhaqaalaha, Dib u dhiska, Caafimaadka, Tamarta, Nabadda iyo guud ahaan horumarinta adeegyada Bulshada.

Philip Evans oo katirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda Britain ayaa sheegay in lacagtaasi ay ka saacidayso dowladda Soomaaliya, in ay ku fuliso mashaariic kala duwan oo horumarineed.

“Horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya waa ahmiyadeena koowaad. Lacagtani oo qeyb ka ahayd ballanqaadkii hore ee barnaamijka Hiigsiga Cusub ee Britain ayaa looga gol leeyahay sidii kor loogu qaadi lahaa dhaqalaaha Soomaaliya, iyadoo loo marayo shaqo abuuris loo sameeyo dhallinyarada, kordhinta Wax soo-saarka iyo yareynta kharash-gareynta”, ayuu yiri Philip Evans.

Waxay sidoo kale sheegeen mas’uuliyiintani in ay tahay arrin muhiimadeeda leh  xoojinta hay’adaha Maaliyadda, ayadoo loo marayo abuurista, hannaan wanaagsan iyo isla-xisaabtan, si kor loogu qaado Ganacsiga iyo Maalgashiga Soomaaliya.

Dowladda Britain waxay ka mid tahay waddamada taageera Soomaaliya ayadoo mashaariic horumarineed oo kala duwan ay ka fulinaysa dalka Soomaaliya, taasoo ay mas’uul ka tahay dowladda Soomaaliya.

Lacagtani ayaa imaanaysa ayadoo dhawaanahan Danjiraha Britain ee Soomaaliya Haret Mathews ay booqasho ay ku kala bixnaysa Maamul goboleedyada ayadoo waxyaabaha y kala tashanyeen ay kamid yihiin Mashaariicda horumarineed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here