Ninkii Dilay Taliyihii NISA Ee Sh/Dhexe Oo La Qabtay.

0
50

Jowhar (RKGS) Ciidamada amaanka ee gobalka Shabeellaha Dhexe ayaa saaka gacanta ku dhigay askarigii ka danbeeyay dilka Taliyihii Nabad Sugida ee gobalkaas, sida xaqiijiyay maamulka.

Ninkaan ayaa laga soo qabtay meel u dhow magaalada Jowhar oo uu ku dhuumaalaysanayay ka dib markii uu baxsaday.

Masuuliyiinta maamulka gobalka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegay in ninkaan dilka gaystay ee hada la soo qabtay cadaalada la marsiin doono.

Allaha u naxariistee Cabdiwali Ibraahim oo ahaa Taliyihii NISA ee gobalkaas ayaa maanta lagu aasay magaalada Jowhar waxaana aaska ka qaybgalay dadweyne badan iyo masuuliyiin ka tirsan  maamulka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here