Xildhibaanada Aqalka Sare oo ka maqan miisaaniyadda mishaar bixinta saddexda bilood ugu hooreysa 2017-ka

0
121

Dowladda Federaalka Soomaliya, gaar ahaan wasaarada maaliyada ayaa sheegtay in xildhibaannada aqalka sare wax mishaar ah helin doonin bilaha ugu soo horeeya sanadkan 2017-ka.

Maxamed Aadan Ibraahim Fargeeti, wasiirka wasaarada maaliyada xukuumada Soomaaliya ayaa sheegay in miisaaniyada dowlada ee la dajiyay sanadkii hore ku jirin mishaaaraad iyo xuquuq ay yeellanayan xubnaha aqalka sare oo ah wax ku cusub guud ahaanba marka  la eego nidaamka dowladnimada Soomaaliya.

Wasiirka ayaa sheegay in miisaaniyada la dajiyay sanadkii hore 2016-ka waqtigeedu ku eg yahay ilaa bisha saddexaad ee sanadkan, sidaa daraadeed mudo saddex bilood ah wax mishaar ah qaadan doonin xildhibaannada aqalka.

Waxaaa la filaya in mudo saddex bilood ah kadib xildhibaannada cusub ee baarlamaanka 10aad ansixiyaan miisaaniyada sanadka 2017da,  waxaana miisaaniyadaas qeyb ka noqon doona xuquuqda aqalka sare oo hadda ka maqan ansixintii hore.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here