116 Markab oo ka gudubtay Kanaalka Suwees

0
102

Al-Qaahir-(RKGS)- Kanaalka Suwees oo ku yaal mgaalada Al -iskandariya ee dalka Masar ayaa laga soo waramayaa in labadii maalmood la soo dhaafnay ka gudubeen  116 Markab oo siday 300 kun Tan oo Xamuul ah.

Madaxa Shirkadda Maamusha Kanaalka suwees  Marshaal Mahaab Mumish, ayaa sheegay  inay aad u korortay tirada Maraakiibta maalintii marta  Kanaalka Suwees, kuwaa oo  badeecooyin iyo qalab kala duwan garsiya Caalamka.

Kanaalka Suwees waxa uu ku yaal wadanka Masar, waa meel biyo mareen ah oo isku xirto, Badda Dhexe iyo Badaa cas, waxaana la furay 1869ii, iyadoo ujeedadu ay aheyd in ganacsatada Yurub iyo Aasiya u  fududaato jidkii ee wax ku kala ganacsan jireen, oo ahaa in ee afrika ku soo wareegtaan.

Kanaalka Suwees waa kanaalka ugu dheer adduunka oo ay maraakiibta maraan, Dhirirkiisa waa 162,2 kilomitir, balaciisana waxa  u dhaxeeyaa 300 ilaa 365 mitir.

sameyntiisa waxa ay qaadatay ilaa 10 sano, iyadoo shaqaalihi ka qeyb qaatay dhismahiisa aya gaarayeen 1,5 miliyan oo qof, waxaaana shaqadaas ku dhintay 120.000 qof oo shaqaale.

Ruux faransiis oo Engineer ah ayaa soo alifa quditaanka kanaalka suwees, waxaana la dhihi jiray Ferdinad De Lesseps.

By:-Wadani 

Hargeysa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here