Munaasabadda Abaal Marinta Tartamayaasha 5ta Degmo Ee Radio KGS Oo Maanta Ka Dhacday Baydhabo.

0
119

Baydhabo (RKGS) Munaasabadan maanta ka dhacday baydhabo ee Abaalmarinta lagu gudoonsiinayay Degmoyinkii ka qeyb galay tartankii aqooneedkii bishii barakeysneed ee ramadaan oo ay warbaahinta dowladda koonfur galbeed soomaaliya ay uga talo gashay inay ku tartansiido degmooyinka kala ah baydhabo oo labo degmo ah buurhakaba qansaxdheere diinsoor iyo berdaalle ayaa raadiyaha dowladda koonfur galbeed waxaa ka gacan siiyay mashruuca danwadaag ee hey,adda ddg.

Munaasabada ayaa waxaa ka soo qeyb galay kusimaha madaxweynaha Ahna waziirka hub ka dhigista dhaqan celinta iyo tababarada maleeshiyaadka dowladda koonfur galbeed Waziirka wasaarada warfaafinta dowladda koonfur galbeed gudoomiyaasha gobalka iyo midka degmada baydhabo qaar ka socday degmooyinkii tartamay iyo sido kale qeybaha bulshada ee reer baydhabo

Munaasabada Oo Ay Khudbado kajeediyeen marti sharaftii kasoo qeyb gashay kadib ayaa goobta ka hadlay gudoomiyaha degmada ahna duqa magaalada baydhabo cabdulaahi cali watiin iyo sidoo kale gudoomiyaha gobalka bay cabdarashiid cabdulaahi oo si wada jir ah ugu hambalyeeyay tartamayaashii abaalmarinta la gudoonsiinayay.

Waziirka Warfaafinta Iyo Wacyi Gelinta Bulshada dowladda koonfur galbeed soomaaliya mudane ugaas xasan cabdi Oo asna goobta ka hadlay ayaa amaan balaaran u jeediyay  maamulka iyo shaqaalaha raadiyaha dowladda koonfur galbeed asagoona UHambalyeeyay degmooyinka ka qeyb kaatay tartanka loogu talo galay is dhexgalka bulshada ee deegaanada koonfur galbeed.

Ugu Dambayn munaasabadda abaalmarinta degmooyinkii ku tartamay raadiyaha dowladda koonfur galbeed ayaa waxaa soo xiray kusimaha madaxweynaha ahna waziirka hub ka dhigiusta dhaqan celin iyo tababarada maleeshiyaadka mudane xasan xuseen eelay oo halkaa shahaado sharaf ku gudoonsiiyay degmooyinkii.

13697122_634624006695326_3334864036014544163_n 13699943_634624660028594_335301569876139018_n 13700183_634624453361948_5193144600501970220_n 13731620_634624796695247_706670155410979057_n 13680870_634624973361896_123167427252031000_n 13680741_634626253361768_3969258664137594174_n 13716135_634625883361805_5608528217940000801_n 13709849_634625910028469_3672628106590901988_n 13716030_634625936695133_4332566980634290679_n 13658981_634626113361782_5435011874846237157_n 13690883_634626163361777_5624874173340018991_n 13669658_634626916695035_89233753287788557_n

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here