Daawo Muqaalka Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya Oo Rajo Galiyey Bulshadiisa

0
118

Habeenkii Xaley Waxaa Madaxtooyada Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya lagu qabtey Kullan Su’aalo Lagu weydiinayey Madaxweynaha Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya, kulankaas oo noocisa uu san sameynin Muda  20 Bilooleed ee Koonfur Galbeed Soomaaliya ay jirto  isla markaana Bulshada  Rayidka Koonfur Galbeed Soomaaliya ay waxy Wediyeen Su’aalo dad badan laabtoodu ay ka guuxeysay.

Madaxweynaha ayaa  la wediyey Sababaha u dhacyada Dowladiisa,  Ciidamada Loo tababarayo Gobolada,  Doorashada 2016 EE Masiirka Shacabka Koonfur galbeed,  Arinta Bakool sare, gudiga Madax banaan Xuduudaha Dalka, Sabab ilaa iyo haantaan Ciidamo looga sameyn la’yahay Degmooyinka Gobolka Shabellaha Hoose,  ku Buraarug la’aan Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya ee arimaha Diplomiyasadda, Hanaanka Maaliyada, Arimaha garsoorka, dib u dhisyo lagu sameynayo Wadooyinka Qaar ka mid ah Degoomiyinka Gobolada,  dhismaha Garoonka Diyaaradaha, Madaxtooyada iyo Dekada Magaalada Baraawe, Xasuuq Ciidamada AMISOM marar qaar ay ka geeystaan Degnaaanada KGS, Dardar galin la’aanta La Dagaalanta Maleeshiyada Al-shabaab,  Sababaha Odayaasha Dhaqanka loo xareeyey dacdamaa aysan jirin Maamul meel ku ilaaliyo Odayaasha Dhaqanka, dayacaadda Abwaanada Koonfur galbeed, Isku shaandheyn la’aan Gollahiisa Wasiirada,  Sababta Baarlamanka Koonfur Galbeed Soomaaliya looga dhigey 149 Mudane iyadoona Dastuurka KGS uu qorayey in Maamulku uu lahaanayo 95 Mudane, Is qab qab qabsiga dhulalka, Dagaal Beeledyada, Saamiga Aqal sare Koonfur Galbeed Soomaaliya, Waxbarashada  iyo arimaha Barakacyaasha, Safaradda tirada badan iyo Meelaha isaga laga helo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here