Abdel Fattah Al-Sisi oo mar kale loo dhaariyay Madaxwaynanimada Masar.

0
131

Waxaa Sabtigii shalay Xafiiska Madaxwaynanimada Masar loo          dhaariyay mar kale Abdel Fattah el-Sisi, oo talada dalkaasi hayay tan iyo Sanaddii 2014-kii.

Abdel Fattah Al-Sisi, ayaa Baarlamanka masar hortiisa uga dhaartay inuu u hoggaansamayo danaha Dalka, Dadka, Diinta iyo Dastuurka dalkaasi xilli uu Waddanka Masar wajahayo caqabado isugu jira kuwo dhaqaale iyo Amni.

Al-Sisi, oo 63 jir ah ayaa horay u soo noqday madaxa sirdoonka Qaranka iyo Wasiirka difaaca Masar,waxaana mar kale u billaabatay Afar Sano oo hor leh oo uu sii hayn doono xilka Madaxtinimo ee Dalka Masar, ka dib markii uu ku guuleystay codad gaaraya 97% doorashadii dhacday Saddex Bilood ka hor.

Madaxweyne Abdel Fattah Al-Sisi, ayaa talada Dalka Masar awood Milliteri kula wareegay 3-dii July 2013-kii, isagoo Xabsiga u taxaabay Madaxweynihii xilligaas Maxamed Morsi, oo si sharci ah loo soo doortay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here