Afhayeenka Kooxda Daacish oo lagu dilay Siiriya

0
93

Syria (RKGS) Duqeymo iyo dagaal toos ah oo ka dhacay deegaanka Al-Bab ee gobolka Xalab oo ka tirsan Siiriya ayaa lagu dilay afhayeenka kooxda Daacish.

Dilka Abu Maxamed al-Cadnani, ayaa waxaa xaqiijiy mas’uul sare oo ka tirsan ururka Daacish sida lagu daabacay bogga Amaq ee taageera kooxdaasi.

Mas’uul sare oo ka tirsan Wasaaradda Difaaca ee Maraykanka, ayaa BBCda u sheegay in ay qiimeynayaan duqeyntii xagga cirka ahayd oo Talaadadii lala beegsaday deegaanka Al-Bab ee waqooyi bari ee magaalada Xaleb.

Waaxda arrimaha dibedda ee Maraykanka ayaa Al-Cadnani ku tilmaamtay in uu yahay argagixiso caalami ah, waxaana madaxiisa dul yaalay 5,milyan oo dollarka Maraykanka ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here