Akhriso Natiijada Baritaankii Shaqaaqo 14_kii Bishaan Kadhacday Cadaado

0
79

Guddi loo xilsaaray in ay baaris ku Sameeyeen Shaqaaqo ka dhacday banaanka hore ee xarunta gudiga doorashada Magaalada Cadaado maalintii Isniinta oo ay taariikhdu ku beegneyd 14.11.2016, ayaa soo saaray natiijada baaristii ay dhacdadaasi ku sameeyeen.

Guddiga Dowlad Gobaleedka Galmudug ay u xilsaartay baarita dhacdadaasi ayaa warka qoraalka ah ee ay soo saareen, islamarkaana nuqul kamid ah lasoo gaarsiiyay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed Ee SONNA, waxaa lagu caddeeyay in ay been abuur yihiin Warar lagu faafiyay Baraha Bulshada iyo qaar kamid ah warbaahinta oo sheegayay in Taliyaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka Gen Cabdullaahi Gaafoow Maxamuuduu ku lug lahaa arrintaasi, Wuxuuna Guddigu Hoosta ka Xarriiqay in ay caddeynayaan in goobta ay wax ka dheceen uusan joogin Janaraalka, ilaaladiisa gaarka ahna aysan tagin shaqaadaasi markii ay dhacday kadib.

Guddiga ayaa soo bandhigay Muuqaal laga duubay Maxamuud Ibraahim oo ahaa horjoogihii watay Maleeshiyaadka Wareeray Xarunta Doorashooyinka Ee Magaalada Cadaado.

gud1-2

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here