ALLEPO oo mar kale la duqeeyay

0
100

Tan iyo markii lagu dhawaaqay heshiiskii Xabad joojinta ahaa ee aan Caga badan ku taagenyn  oo ay Ruushka iyo Mareykanka horboodayeen, ayaa  caasimadda labaad ee suuriya ee muhiimka ah mar kale  loo geystay Duqeyn Cirka oo Guryo badan ku burbureen.

Goob joogayaal ayaa ragga wararka fidiya u sheegay inay ku soo dhaceen 4 Saaruukh oo waxyeello u geystay dadka magaalada weli ku harsan.

Burburka heshiiska Xabad joojinta ee xallab ayaa waxaa xiisad iyo muran xoogan ka dhex abuuray Mareykanka iyo Ruushka oo midba kan kale ku eedayay inuu isagu jebiyay heshiiska. labada dal  Ruushka iyo Mareykanka ayaa warbaahinta isku dhaafsaday hadllo tuhun ah iyo cidda sababtay fashilka heshiiskaasi xabad joojinta ah oo la doonyay in sahayda lagu gaarsiyo dadka deggan xallab qeybta mucaaradku haystaan.

Dhanka kale Dawladda Suuriya ayaa qiratay in mid ka mid ah Diyaaradaheeda dagalka  la soo riday xilli ay hawlgal ka dhan ah kooxda Daacish  ka waday magalada Deerzor,  duuliyihii Diyaaradaasina uu dhintay.

Afhayeen u hadlay dagaalamayaasha Daacish ayaa sheegay in ay  soo rideen Diyaaradaasi.

160918183412_allepo_640x360_reuters_nocredit-640x360 halab-1 halab2

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here