AMISOM oo isu diyaarineyso sidii ay u sugi laheyd ammaanka doorashada Soomaaliya

0
96

Howl galka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) ayaa isu diyaarinaya sidii ay u sugi lahaayeen ammanka, si ay nabad ugu dhacdo doorashada la filayo in Soomaaliya ka dhacdo ka hor dhamaadka sanadkan.

Ergeyga Midowga Afrika ee Soomaaliya ahna Madaxa AMISOM Francisco Madiera ayaa sheegay in la dhisay Guddi farsamo ah oo ka shaqeynaya ammaanka qaban qaabada doorashada.

Waxaa uu sheegay in ciidamada AMISOM iyo Ciidamada Soomaalida ay ka shaqeyn doonaan sidii doorashada dhici doonta Agosto ay si nabad u qabsoomi laheyd.

Amb. Madeira oo Wariyeyaasha kula hadlayay magaalada Nairobi ayaa xaqiijiyay in Ciidamada AMISOM iyo Ciidamada Soomaaliya ay wadaan howl galo ka dhan ah Al-Shabaab, ayna ka saarayaan meelaha ay kaga harsan yihiin.

Waxaa uu sheegay in howl galka AMISOM uu u baahan yahay in lagu taageero diyaarado Helicopters, si ay uga qeyb qaataan dagaalada ka dhanka ah Al-Shabaab.

Madaxda Siyaasada Soomaalida ayaa dhowaan Muqdisho ku gaaray heshiis ku saabsan nooc doorasho oo looga gudbayo xilliga kala guurka, iyadoo sanadka 2020 la qorsheynayo in dalka la gaarsiiyo doorasho qof iyo cod.

Bisha Agosto ayaa la filayaa in la soo doorto Baarlamaan cusub oo bedelaya baarlamaanka hada jira, iyadoo bisha September la dooran doono Madaxweyne cusub.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here