Ammaanka Baydhabo oo la adkeeyay iyo diyaar garow loogu jiro Shirka Madasha

0
88

Ammaanka magaalada Baydhabo ayaa si aad ah loo adkeeyay, iyadoo magaalada laga dareemayo qaban qaabada shirka Madasha Wada-tashiga qaran oo lagu wado in maalinta arbacada ah uu furmo.

Wafdi uu hogaaminayo Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka ayaa ku sugan magaalada Baydhabo, kuwaasoo qiimeynaya diyaar garowga shirka iyo sida ay u socoto qaban qaabada.

Ciidamada Booliska ayaa qeybo ka mid ah waddooyinka magaalada Baydhabo ka bilaabay baaritaano, iyadoo xalay magaalada ay ka sameeyeen howl gallo roondeyn ah.

Sidon kale waddooyinka laga soo galo magaalada Baydhabo ayaa iyana ammaankooda aad loo adkeeyay, waxaana ku sugan Ciidamo ka tirsan kuwa Milateriga iyo Ciidamada Itoobiya.

Ciidamada Itoobiya ayaa la wareegay ammaanka halka shirka uu ka dhacayo, iyadoo fariisimo ka sameystay banaanka xarunta shirka.

Madaxda dowladda iyo kuwa maamul goboleedyada ayaa lagu wadaa inay ugu dambeyn maalinta berri ay gaaraan Baydhabo, si ay uga qeyb galaan shirka furmaya maalinta arbacada ee ku beegan 22-ka bisha June.

Magaalada Baydhabo ayaa noqoneysa markii u horeysay oo lagu qaban doono shirka madasha wada-tashiga qaran.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here