Aqalka Sare oo dib u dhigay kiiska Qalbi Dhagax

0
101

Ka dib markii uu shalay Gudoomiyaha Aqalka Sare uu shaaciyay in Ajendaha kulanka Aqalka Sare in looga  hadli doono arinta Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbi dhagax ayaa arintaasi waxaa saakay Go’aan ka qaatay Xildhibaano ka tirsan Aqalka Sare.

Tiro xildhibaano ah ayaa keenay Mooshin ah in Meesha laga saaro Ajendaha Cabdikariin oo dib loo dhigo.

Ka dib kulan ay yeesheen Guddoonka Aqalka Sare ayay ku go’aamiyeen in dib loo dhigo Ajendaha Cabdikariin Qalbi Dhagax.

Arintaan ayaa Buuq Saakay ka dhex dhalisay Xildhibaanada Aqalka Sare.

Horay ayaa waxaa Xildhibaanada Golaha Shacabka kulan ay ka yeelan lahaayeen Qalbi Dhagax uu baaqday ka dib markii uu buuxsami waayay Kooramka.

Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbi Dhagax oo lagu wareejiyay dowladda Itoobiya ayaa Khilaaf ka dhex dhaliyay Xildhibaanada iyo Xukuumadda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here