Aqoon kororsi ka furmay Xarunta Warfaafinta.

0
91

Muqdisho(RKGS) Siminaarkan oo ay soo qabanqaabisay waaxda shaqaalaha iyo tababarada ee wasaaradda warfaafinta soconna doona muddo hal maalin, waxaa warfidiyeennada fursadda u helay ku baran doonaan Qaabka sawir qaadista iyo sida loo tayeeyo muuqaalada.

Aqoon kororsigaan waxaa ka qeyb qaadanaya  wariyayaal ka kala socda qaybaha kala gadisan ee warbaahinta qaranka sida wakaaladda Sonna, Talefishinka qaranka, iyo Radiyo Muqdisho

Agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta  C/risaaq cali yuusuf Bahlaawi oo tababarkan furay ayaa   xusay muhiimadda uu warfidiyeenada u leeyahay tababarka iyo inay ka faa’ideystaan aqoon kororsiga, isla markaana khibradda ay ka helaan ay ku dabaqaan howlahooda shaqo, wuxuuna intaasi raaciyay in ay jiri doonaan tababarro kale.

Munaasabaddan oo ka dhacaday hoolka tababarada ee wakaaladda Sonna waxaa sidoo kale ka qayb galay Agaasimaha Raadiyo Muqdisho Axmed Faarax Gaatamoow oo sheegay in Sawirka wanaagsani uu kor u qaadayo qiimaha warka iyo Agaasimaha waaxda Shaqaalaha iyo Tababarada C/raxiim Ciise Caddoow oo faahfaahiyay qiimaha tababarada noocaan oo kale ah ay u leeyihiin kor u qaadidda tayada warfidiyeenada.

By Wadani

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here