AQRISO:-Istiraatiijiyadda Qorshaha Qaran Ee Ka Hortagga Xag-jirnimada

0
154

 

 

 

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

 

Istraatejiyada Heer Qaran iyo Qorshe Howleedka Ka Hortaga iyo La Dagaalanka Fikirka Rabashadaha wata ee Xagjirka

 

27June 2016

Qoraalka Koowaad ee Qabyada ah


 

 

 

 

 

 

 

 

 

Invite to the way of your Lord with wisdom and good instruction, and argue with them in a way that is best. Indeed, your Lord is most knowing of who has strayed from His way, and He is most knowing of who is [rightly] guided.

Ugu yeer dadka  jidka Alle SWT ee xikmadda iyo wacyiga suubban xambaarsan, kulana dood dadka qaabka ugu habboon. Waa dhab, in Eebbe SWT uu yahay kan ugu ogaal badan qofka ka lumay jidkiisa, isagaana ugu ogaal badan qofka sida xaqa ah oo(toosan) ugu hannuunsan jidkiisa,Ayaadda(125).

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Oraahda Furitaanka ee Madaxweynaha

Inta ugu badan dadweynaha Soomaaliyeed waxay si buuxda u diiddan yihiin falalka Argagixisada. Dhammaan waaxyaha dawladda oo kaashanaya maamul gobleedyada, bulshada rayidka ah iyo dawladda Federaalka Soomaaliya, waxay si wadajir ah uga hawllan yihiin horumarinta Istraatejiyada Heer Qaran iyo Qorshe Howleedka Ka Hortaga iyo La Dagaalanka Fikirka Rabashadaha wata ee Xagjirka oo ah barnaamij dhammaystiran oo ay Soomaalidu leedahay, islamarkaana ay iyadu horseed ka tahay/Hogaamiso.

Golaha Wasiirada oo uu hoggaamiye Ra’iisul Wasaaraha, Mudane Cumar Cabdirashid Cali Sharmaarke, waxey si buuxda u taageereen Istraatejiyadan oo uu Mudane Mustafa Duhulow u magacaabay Xiriiriyaha Ka hortagga fikirka xagjirka ah si loo hubiyo in dhammaan hay’adaha dowladda ay u wada shaqeeyaan iyagoo la shaqeynaya dowlad goboleedyada iyo bulshada rayidka ah.

Waxaan u mahadcelinayaa Mudane Mustafa Dhulow oo ah Xiriiriyaha CVE iyo Abdirahman Omar Osman (Eng. Yarisow), La Taliyaha Sare ee Dowladda Federaalka oo door hoggaamineed ka qaatay diyaarinta Istraatejiyadan. Sidoo kale waxaan u mahadcelinayaa Midowga Yurub oo taageertay diyaarinta Istraatejiyadan iyadoo u soo martay hay’ada Blueprint Somalia. Taageeradooda la’aanteed nooma suurta gasheen inaan Istraatejiyadan heer Qaran ah diyaarino oo muhiim u ah dalka.

Waxaa kaloo muhiim ah, inaynu si dhaw ula shaqaynno beesha caalamka. Dhawaan Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay wuxuu jeediyey in dalkasta oo  xubin ka ah uu meel-mariyo qorshe qaran oo ficil ahaan loogaga hortagayo Fikirka Rabashadaha wata ee Xagjirka, kuwaasoo loo dejinayo qorshayaal waafaqsan mudnaanta heer qaran iyadoo la wejehayo qaybaha maxalliga ah ee ku lugta leh rabshadaha wata xag-jirka. Wuxuu diiradda saaray muhiimadda horumarinta qorshe-hawleedyada “Qaababka isku dhafan leh, ayna ka mid yihiin; tallaabooyinka iyo La Dagaalanka Fikirka Rabashadaha wata ee Xagjirka, fikradaha laga heli karo waaxyaha baahsan ee hawl-wadeennada dawladda sida; hay’adaha awoodaynta sharciga, adeeg-bixiyayaasha bulshada iyo wasaaradaha waxbarashada, dhallinyarada iyo Arrimaha Diinta, iyo sidoo kale, hay’adaha aan dawliga ahayn, sida;m dhallinyarada, qoysaska, haweenka, hoggaamiyyaasha, haddii ay ahaan la haayeen kuwa Diinta, Dhaqanka, kuwa waxbarashada, ururrada bulshada Rayidka ah, qaybahab warbaahinta iyo waaxda gaarka loo leeyahay.”[1]

Istaraatiijiyaddan iyada ah iyo qorshe-hawleedu, waxay dhammaantood ka mid yihiin talo-soo-jeedintan. Waxayna jaan-goynaysaa aragtida midaysan ee Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo sidii loo sii horumarin lahaa hal-abuur ku dhisan is-fahamka wacan iyo sidii looha hortagi lahaa, loolana dagaallami lahaa saamaynta falalka argagixisannimada ee cabsida ku ah amniga Soomaaliya.  Tani waxay abuuraysaa qayb muhiim ah oo ka mid ah oo dhammaytiraysa dadaallada dawladda Soomaaliya ee ku wejehan maaraynta welwelka amniga qaranka ee ku salaysan qaab-dhismeedka dawlad-wanaagga, xuqquuqda bini’aadmiga iyo ku dhaqanka sharciga iyo kala dambaynta.

Waxaan si weyn ugu kalsoonnahay horumarka laga sameeyey geeddi-socodka loo dhan yahay, kaasoo soo maray istaraatiijiyadan, shakina iigama jiro in tusaalooyinka uu dukumentigani xambaarsan yahay ay Soomaaliya gacan ka siin doonaan inay si buuxda ula jaan-qaadi doonto  dunida kale, islamarkaana u xaqiijin doonto nabadgelyo waarta, taasoo aan dhammaanteen jecel nahay, xaqna aan u leennahay.

 

 

 

Mudane Hassan Sheikh Mohamud

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya

 

 

 

 

 

 

 


 

Oraahda Isku-duwaha CVE

 

Waxaa farxad iyo sharaf weyn ii ah  inaan soo bandhgo Istaraatiijiyada Heer  Qaranka iyo Qorshe hawlgalka la-dagaallanka Fikirka rabshadaha wata ee xagjirka. Dukumentigan waa natiijadii ka dhalatay hawlihii joogtayntada ahaa ee ka mid ahaayeen; geeddi-socodkii wada xaajoodyada iyo doodaha ee u dhexeeyey la-hawlgalayaasha muhiimka ah in ka badan 10 bilood ee la soo dhaafay. Imminka waxay leennahay istaraatiijiyad ku habboon, waafaqsanna hadafkeenna maxalliga ah, kaasoo aynu annagu leennahay. Waana mid guud oo “Bulshada u dhantahay”islamrkaana ka tarjumaya qaab-hawleed soo  bandhigaya welwelka amniga caalamiga ah iyo kan maxalliga ah ee ay xagjirnimadu ka mid tahay. Wuxuuna diiradda saarayaa la dagaallanka fikriga ah iyo  fasiraasadda kooxaha xagjirka ah ee dhiirrigelinaya falalka burkurka iyo rabshadaha ku dhisan, iyagoo la  adeegsanaya  agabyada lagama maarmaanka ah ee qaab-dhismeedka dhaqankeenna waafaqsan. Tusaale, waa dal Islaam ah; waxanan u baahannahay in la xaqiijiyo in dhammaan barnaamijyada diiniga ahi ay waafaqsan yihiin nabadgliyo buuxda oo islaami ah; halka ay Al-Shabaabku mar walba falalkoodu ay lid ku yihiin ku dhaqanka Islaamka.

 

Waxay kaloo Istaratiijiyada Heer Qaran ay hore u marin doontaa barnaamijka heer qaran ee kooxaha hore uga tirsanaa Al-shabaab ee ka soo goosanaya ee isugu jira saraakiil iyo ciidan caadiga ah. dhinacyada kale ee Istaraatiijiyaddu ay diiradda saarayso, waxaa ka mid ah; dadaallada dib-u-heshiisiineed ee imminka socda ee looga baaraan-degayo sababta ka dambaysa inay muwaadiniintu ku biiraan ururrada argagixisada ah. Maadaama Soomaalidu ay tahay bulsho qabiilku dhisan, waxay Al-shabaab ka faa’iidaystaan carada bulshada qaarkeed ay qabaan sida; (kooxaha la-gacan-bidixeeyo, iyo goobaha  miyiga ee la hilmaamay,). Geeddi-socodka dib-u-heshiisiintu wuxuu bulshada ka caawin karaa xoojinta u dabacsanaanta Al-shabaab,sidoo kalena wuxuu adkayn karaa hab-dhaqameedka soo jireenka ah iyo nuxurka uu ummadda Soomaliyeed u leeyahay.

 

Waxaan aad ugu bogaadinayaa Madaxweynaha dawladda federaalka Soomaaliya MD, Hassan Sheikh Mohamud iyo Raysul wasareheenna MD, Omar Abdirashid Ali Sharmarke, sida ay uga go’an tahay, joogtaynta taageerada iyo tusaalooyinka ay ka bixinayeen muddadii uu socday Istaraatiijiyada Qorshaha heer qaran iyo marxaladihii kala duwanaa ee la soo maray iyo dadaallada imminka socda. Ma awoodi karo erayo kooban oo aan ku cabbiri karo bogaadinta uu mudan yahay  karo MD, Abdirahman Omar Osman (Eng. Yarisow) doorkii nasasho la’aanta, hawlkarnimadiisii iyo sida joogtada ah ee uu ugu hawlgalay muddaddii uu geeddi-socodkan lagu guda jiray. Waxaan kaloo u mahad-celinayaa Amb. Michele Cervoned’Urso, Danjiraha Midowga Yurub ee Soomaaaliya iyo Mashruuca Qorshaha Qaran ee Soomaaliya, dadaalladii uu ka gaystay taageerada iyo dhiirrigelinta  dib-u-eegista iyo  dhammaystirka Istaraatiijiyaddan muhiimka ah.

 

Waxay Soomaaliya, ku tallaabsatay guulo wax-ku-ool ah oo lagu wiiqayo fafalka Al-shabaab ee dhinaca awoodda ciidanka, annagoo kaashanaynawalaaleheenna Midowga afrika (AMISOM), waxannu  ka bara-kicinnay inta badan gobollada Bartamaha &Koofurta  Soomaaliya. Hase yeeshee,inkastoo awoodda ciidan ay lagama maarmaan tahay, haddana kuma filna inaan keligeen xasilinnon nabad waarta oo Soomaaliya ka hirgasha. Sidaas awgeed, Istaraatiijiyada Heer Qaran, waxay fursad noo siinaysaa qorshayaal isku dhafan oo muddo dheer qaadan kara laakin leh hadaf iyo ujeddooyin waxtar leh oo ay bulshadu ka wada qaybgalayso, islamarkaana lagu xaqiijin  karo nabadgelyo iyo xasilooni waarta oo dalka Soomaliya ka hirgasha. Kani waa dukumenti xayi ah. Dib ayaa loo eegi doonaa, iyadoo si joogto ah loo kala hufayo, si loo waafajiyo, looguna wejeho xaalad is-beddel ku dhisan. Waxaan ku boorrinayaa in si taxadar leh loo akhriyo, laguna dadaalo fahamkiisa, islamarkaana la isku hawlo la wadaagidda bulshada kale – kaddibna aad gacan nagu siisaan meel-marintiisa.

 

 

 

Mudane Mustafa Duhulow

Xiriiriyaha Ka Hortagga Fikirka Xagjirka ah (CVE)

 

Tusmada Buuugga

Hordhac. 8

Dulmarka Istaraatiijiyadda. Error! Bookmark not defined.

Erey-bixin. 11

Nuxurka Istaraatiijiyadda. 12

Welwelka deegaanka ee Xilligan. 12

Kuwa ka dameeya fikirka rabshadaha wata ee xagjirka. Error! Bookmark not defined.

 Hagaajinta xogta Asaasiga ah 14

Istaraatiijiyada  war-is-gaarsiinta. 15

 Daraasaadka iyo isku-duwidda. Error! Bookmark not defined.

 Wadajir in loo wada  hawlgalo. Error! Bookmark not defined.

Dhallinyarada. Error! Bookmark not defined.

Barayaasha  iyo Ardayda. Error! Bookmark not defined.

Haweenka. Error! Bookmark not defined.

 Waaxda Ganacsiga gaarka ah. Error! Bookmark not defined.

Bulshada Rayidka ah. Error! Bookmark not defined.

 Qurba-joogteenna. Error! Bookmark not defined.

Hogaamiyaasha Diinta. Error! Bookmark not defined.

Hirgelinta: Qorshe-hawleedka. Error! Bookmark not defined.

Kaalinta iyo mas’uuliyadda. Error! Bookmark not defined.

Qiimaynta   Iyo La Socoshada. Error! Bookmark not defined.

 Cabbir Sugan. Error! Bookmark not defined.

Mudnaan-siinta. Error! Bookmark not defined.

_Toc453060332

 

 

 

 


Hordhac

Hadafka Istaraatiijiyadani, waa  in si cad loo qeexo aratida lagula dagaallamayo(marka uu ficilku dhacayo) iyo ka hortagga (ka hor inta uusan dhicin) falka argagixisannimo, Tani waxay ku salaysan tahay fahamka ugu wacan ee ka dhanka ah geeddi-socodka tabbarrada iyo kooxaha ka dambeeya falalka argagixisada, iyadoo sidoo kale la horumarinayo xirfadaha ugu habboon ee lagu taageerayo awoodaynta bulshada, si ay ugu noolaadaan nabadgelyo iyo dhaqdhaqaaq dhaqaale oo ay Soomaalidu jawi xasilooni leh ku gaaraan. Wuxuuna Dukumentigan inoo sahlayaa tusaalooyin wax-ku-ool ah oo aan ku xaqiijin karno aragtida la higsanayo, natiijooyinka iyo saamaynta, kuwaasoo ku xidhnaan doona dadaallo wadajir ah oo aan ku meel-marinayno ujeeddooyinka Istaaratiiyadani ay leedahay.

Qoddobadda ugu muhiimsan ee Ujeeddooyinka waxa ka mid ah:

  • In la abaabulo dhammaan dawladda iyo  la-hawlgalayaasha kale
  • Xoojinta Cilmi-baarista
  • Awoodaynta Xirfadaha (ayna k jiraan,  kuwa aan leenahay)
  • Is-gaasiin wax-ku-ool ah
  • In la qiyaaso horumarka
  • Iyo in si joogto ah loola socdo dokementigu inuu xaajinayo meel-marinta Istaatiijiyada , midaynayo, taabbegelinta iyo inuu si joogto ah ugu habboon yahay hadafka

Waxay Istaraatiijiyadan ku salaysan tahay qoddobbo muhiim ah iyo qawaaniin asaasi ah, kuwaas oo naga sooci kara min kuwa adeegsada falalka gurracan ee annaga iyo inta kale lidka ku ah. Islaamku wuxuu sare u qaadaa xasiloonida iyo nabad ku wada noolaanshaha, wuxuu xoojiyaa jiritaanka sida ay  na farayso diinteena iyo dhammanteed dadaalka nalaga doono meel-marintiisa. Waxaan si adag u cammaabaynaynaa noockasta oo argagixis oo lid ku ah diinteenna ama bulshada ku abuuri kara nacayb iyo falal ammaan darro. Waxaan kaloo si adag uga soo horjeednaa islamrkaana dadaal adag ku bixinaynaa dhawrista qawaaniinta caalamiga ah ee Xuquuqul Insaanka, xorriyadda dadweynaha, iyo sharciga iyo kala dambaynta, annagoo qaadayna tallaabo kasta oo aan kula dagaalamayno , ugana hortagayno falalka argagixisada.

Istaraatiijiyadani, waa qaybta xuddunta u ah Qaab-dhismeedka Amniga Qaranka. Tallaabooyinka dhammaystiran ee dawladda Federaalka Soomaaliya, waa waa in lala dagaallamo rabshadaha xagjirka iyadoo “diiradda la saarayo sababaha suuragalka ah ee xagjirnimada iyo sidii loo horumarin lahaa Istratijiyadda ka hortagga Xagjirka.” Shuruucda ka hortagga rabshadaha xagjirka (imminka waxay hor yaalliin baarlamaanka si lo ansixiyo) kuwaasoo astaan u ah tallaabooyinka Istaraatiijiyadeed ee lagu adkayn karo xiriirka u dhexeeya dawladda & dadweynaha, iyadoo loo adeegsanayo qaabab togane ah oo hufnaan ku dhisan.

Yoolasha Amniga iyo nabadgalyada ee ay sida dhabta ah u meel-marisay dawladda Soomaaliya, ayaa waxa kaloo ay hoosta ka xariiqday  muhiimadda dadaallada ka hortagga. Waxayna yoolasha Nbadda iyo Amniga(PSGs 2  iyo gaar ahaa yool 3 diiradda saarayaan geeddi-socod dhammaystiran, kaasoo wiiqaya dagaalyahannada Soomaaliya ka jira, marka la waafajiyo xeerarka caalamiga ah ee Xuquuqul Insaanka oo ay ka go’an tahay “gacan siinta xaaladaha lagama maarmaanka ah, si loo yareeyo saamaynta xagjirku ay ku hayso bulshada Soomaaliyeed.”[2]

Kulankii heerka sare ee la-hawlgalayaashu, wuxuu si cad u qeexay in la aqoosado “muhiimadda tallaabooyinka dhammaystiran ee ka hortagga fikirka rabshadaha xagjirka ee  Soomaaliya ee ka baxsan hawlgalka ciidan, ayna ka mid yihiin; sababaha xuddunta u ah Axagjirnimada, iyadoo lagu baaqay in si waadjir ah loo wejeho Isirradaas iyaga ah.”[3]

Qaramada Midoobay ayaa iyaduna gacan ka gaysatay sare u qadista wacyi-gelinta ku aaddan  in loo baahan yahay tallaabbooyin Istaraatiijiyadeed oo dheeraad ah oo la xidhiidhay la  dagaallanka iyo ka hortagga fikirka rabshadaha  xagjirka. Dhawaan Xogahayaha Guud ee QM wuxuu soo saaray “Qorshe-hawleedka Ka hortagga Fikirka rabshadaha wata ee xagjirkka,” kaasoo tilmaamayey “dalkasta oo xubin ka ah, waa inuu hirgeliyaa horumarinta qorshe-hawleedka heer qaran si looga hortago Fixagjirka ah, kaasoo jaan-goynaya mudnaan-siinta qorshaha qaranka eek u wejahan kuwa ka dambeeya fikirka rabshadaha wata ee xagjirka maxalliga ah.[4]Waxaa arrintan lagu xoojiyey Shirweynihii magaalada  Geneva, April 2016  ee Ka hortagga Fikirka rabshadaha wata ee xagjirka, kaasoo lagu soo gunaanaday go’aankii adkaa ee tallaabooyinkan laga soo jeediyey.

 

Dulmarka Istaraatiijiyada

 

Dhammaan bulshooyinka hawlgalka ku jiraa, waxay u baahan yihiin hab-dhaqan sharci iyo kala dambayn ku dhisan, si loo wejeho welwelka xagjirka, sida baaritaannada, dacwad oogista, garsoorka iyo nidaamka maxaabiista. Hase yeeshee,  Waa arrin is cad loo dareemi karo inaysan koror xad-dhaafka ah ee  jira awgeed aan lagu xakamayn Karin noocyan oo keliya, waxyaabaha kale ee lama filaanka ah oo soo bixi kara marka la eego dabeecadda fikirka rabshadaha xagjirka ee jira. Sidaas darteed, waxaan dawlad ahaan ku tiirsannahay bah-raacyada dhaqanka iyo xeer-hoosaadyada ku dhisan ee go’doominta dhacdooyinkaas, waxayna u arkaan wax-ku-ool, kuwaasoo ay ku dhaqmaan bulshooyinka la gacan-bidixeeyo. Inta badan dareensan xuquuqdooda lagu tunto.  Sida ku cad qaabka hawlgalka ee modus operandi (MO) ee fikirka rabshadaha wata ee xagjirka ee ay u adeegsadaan xasilooni-darrida iyo kicinta welwelka fikirka rabshadaha wata ee xagjirka, si ay xiisado u abuuraan, iyagoo uga dan leh inay sare u qaadaan taageerada ay bulshada ka helayaan.

Haddaba, waxaa fikirkan laga dheehan karaa in ka hortagga iyo la-dagaallanka fikirka rabshadaha wata ee xagjirka uu u baahan yahay tallaabooyin Istaraatiijiyadeed ee si dhab ah ay dawladdu awood ugu heli lahayd jawi ku haboon dagaalka ka dhanka ah xagjirnimada.—xaaladaha caqabadaha Qaab-dhismeedka, xallinta carada iyo tabashooyinka  (ay ka mid yihiin; saboolnimada, tartarnka gacan ku haynta deegaannada/xudduudaha, aqoon la’aanta, la’aanta fursadaha Shaqada),iyo weliba sidoo kale, iska horimaadyada fikriga ah oo qayb ka ah fikirka xag-jirnimada ah iyo abaabulka shakhsiyaadka ama kooxaha rabshada ka qayb qaata. Tani waxay u baahan tahay faham dheeraad ah fikirka rabshadaha xagjirka iyo qaabka loo tababaro shakhsiyaadk, qoyska iyo xidhiidh awoodeed ee beelaha dhexdooda ka jira iyo sidoo kale,  qiyaasta siyaasaded ee is-bahaysiga beelaha kala duwan sida; qabaai’lka.

Istaraatiijiyadani, waxay tilmaamaysaa taageerada beelahaas iyaga ah ee bartil-maameedka looga dhiganayo tababarista: iyadoo loo qaybinayo qalab ama agab, la siinayo qoyska, saaxiibada, iyo hoggaamiyaasha bulshada ee lagu kalsoonyahay,  si uu uga qaybgalo hawlgalkaas heer shakshi; in hawlo lala wadaago ururada bulshada rayidka ah maxalliga ah, si sare loogu qaado awoodaynta bulshada, iyadoo laga qaybgalinayo waxqabadka heer deegaan, horumarinta xirfadaha, dhexdhexaadinta iyo xallinta khilaafyada; la shaqaynta ururrada bulshada rayidka ah ee ee heer deegaan, si loogu fududeeyo  qaab sahlaya wada-xaajood dawladda iyo beesha, si loo xalliyo tabashooyinka iyo carada jirta.

Waxaan ku soo gebegebeynaynaa, inuu  dukumentigan oo uu wehliyo Qorshe-hawleedka uu ku wejehan yahay ficil ahaan isku-xirnaan wacan oo lagu meel-marinayo hawlgallo baaxad leh iyo mudnaan-siinta qeexan oo inoo horseedi doonta inaynu si  dhab ah ugu guulaysan doonno dadaallada wadajira ee ka hortagga iyo la-dagaallanka xagjirnimada  Soomaaliya.

Erey-Bixin

 

Qeexitaannada soo socda waxay naga caawin doonaan faham guud iyo caddayn sugan oo aynu ku macnaynayno ujeeddada ka dambaysa ka hortagga iyo la dagaallanka Istaraatiijiyaddan iyo meel-marinta geeddi-socodkeeda.

Fikirka rabshadaha wata ee xagjirka: Waxay dhawaan Qaramada Midoobay shaaca ka qaadday in “Fikirka rabshadaha wata ee xagjirka waa dhacdooyin baahsan, oo aan lahayn qeexitaan sugan,” laakiin waxan ku muujinaynaa fahamka ku wejehan fikirka rabshadaha wata ee xagjirka inay dhab ahaantii ku salaysan yihiin rumayn iyo ficillo ay dadka taageeraa ama fikrigaas dhiirrigelinaya ay u adeegsadaan qaabab ay ka mid yihiin; bulsho,  dhaqaale,  ama ujeeddooyin siyaasadeed.

Ka Hortagga iyo La-dagaallanka Fikirka rabshadaha wata ee xagjirka, sidaas awgeed, waxanu ku qeexnay sida hadafkeennu yahay: siyaasad iyo dhaqdhaqaaqyo hadafkoodu yahay in dadweynah laga horjoogsado inay hawlahaas sameeyaan ama dhaqale lagu lagu taageero,  si ay fikrigaas  u dhiirrigeliyaan iyagoo adeegsanaya rabshado ka dhan ah dadweynaha, iyagoo cudur-daar ka dhiganaya inay fikir difaacayaan. Waxaa kaloo ka mid ah ficillo  ka horimaanaya farriimo lagula dagaallamayo iyo ficilo caqabado ku ah bulshada, sida adeegsiga Dicaayado iyo weerarro xagjirnnimo. Haddaba, waxaa tusaalooyinka Istaraatiijiyadda iyo qorsheheenna P/CVE ku jira dadaallo lagu dhisayo wacyiga oo ay wadajir uga wada shaqaynayaan dawladda iyo hay’adaha aan dawliga ahayn.

Xagjirka: Waxaa lagu qeexay ficil dambiyeedyo, ay ka mid yihiin; kuwa bulshada ka dhan ah, kuwa loo sameeyo in lagu gumaado dadka, ama dhawacyo halis ah loogu geysto ama lagu af-duubto dad, taasooo loga golleeyahay in kicin xiisado argagax leh,  oo dadweynaha lagu abuuro,  ama koox dad ah  ama dadka gaar ah,  lagu waxyeeklaynayo dadweynaha, ama lagu khasbayo in dawladda ama hay’adaha caalamiga ah ay  tallaabo qaadaan ama ay ka waan-toobaan inay wax tallaabo ah qaadaan.

 

Xag-jirnimo horseedda fikirka rabshadaha wata: waa geeddi-socod uu qofku ku hawlan yahay kordhinta inuu aqbalo adeegsiga fal-dambiyeedyada, taasoo macneheedu ka mid yahay;  xagjirnimada, isagoo isku dayaya inuu ku gaaro hadaf siyaasadeed/Fikir isaga u gaar ah,

Nuxurka Istaraatiijiyadda

Welwelka Deegaanka ee Xilligan[5]

Waxay Soomaliya dhibaato weyn kala kulntay xal u helidda dadaallada ka dhanka ah fikirka rabshadaha wata xagjirka, iyadoo ay naga go’an tahay inaan hor-joogsanno min sheegashada dilal xad-dhaaf oo dhaca. Waxaan ku faraxsannahay horumarka aan gaarnay sanooyinka dambe ee ka dhanka ah Al-shabaab, waxaana naga go’an inaan sii wadno dadaallada an ku wiiqayno iyaga iyo cidkasta oo kale  ee ku hawlan fikirka rabshadaha wata ee xagjirka iyo kuwa doonaya inay fikirka rabshadaha wata ee xagjirka sameeya. Waxaa muhiim in aragtida Istaraatiijiyaddeennu ay tahay marxalad fog socon doonta, taasoo nagu dhiirrigelinaysa inaan u diyaar-garowno nolol Soomaaliya ka hirgasho, iyadoon Al-shabab jirin. Si kastaba ha ahaatee, waxaan kaloo la soconnaa  in kooxda aysan awood lahayn oo ay  taag-daran yihiin. Waxayna weli fikirka rabshadaha xagjirka ka fuliyaan dhulka miyiga iyo bartamaha iyo koofurta Soomaaliya, gaar ahaan Jubbaland,  puntland iyo waqooyiga Kenya. Waxay bartil-maameedsadaan dadka aan waxba galabsan, weerrarada Hoteellada,  goobaha dadweynuhu ku kulmaan,  iyo bartil-maameedyada kale ee u nugul qaraxyada,  iyo la-hawlgalayaashayada kale ee caalamiga ah ee u yimid inay na taageeraan.

Halkan aan doonayno inaan xasilooni ka dhallinno, nabadgalyo iyo barwaaqo aan ku soo dabbaallo, oo aan dadaallada aan ku tirtirayno Al-shabaab oo ku burburinno ma ahan oo keliya dalkeenna, laakiin waa dhammaan gobolka Geeska Afrika. Weerraradii lagu qaaday goobtii ciyaaraha lagu daawanayey ee Uganda, dadkii ku cashaynayey Hotelkii Djibouti, dadkii ka dukaamaysanayey suuqal iyo Ardaydii Jaamacadda Gaarisa ee Kenya, Tusaale ahaan waxay muujinayeen Al-shabaab inay awood u leeyihiin dilalka  dadweynaha ee ay weerrarada  argagixisada ku qaadeen oo la mid ah fikirka rabshadaha wata ee xagjirka  ay u geystaan ururrada kale ee ay is-bahaystaan sida  Al-qacidah.

Waxaa kaloo jira dareen in Da’esh(ISIL) in laga yaabo inay soo galaan gobolka kaddib markii ay muujiyeen olole bartamihii sannadkii 2015  inay Al-shabaab qorshaynayaan inay qaarkood iskaashi la yeeshaan dhaqdhaqaaqa caalamiga ah ee al-Qaida.  Isku daygaasi waa fashilmay (ilaa hadda)  laakiin waa inaan u diyaar-garownaa  sidii aan uga hortagi lahayn qaabkasta oo fikirka rabshadaha wata ee xagjirka iyo  weerarro  aanu uga  badbaadinnayno dadweynaheenna.

Ciidammada heer qaran iyo kuwa caalamiga ah ee dagaalka kula jira Al-shabab waxay ku tallaabsadeen guulo lixaad leh, laakiin wax badan ba weli u baahan in la qabto, si an aan u addkayno xawliga hawlgallada cirka ee ka dhanka ah dhaqdhaqaaqa Al-shabaab hoggaankooda iyo goobo badan oo laga qabsaday oo ay si weyn ugu jabeen.

Waxaa barbar socday, horumar xoog leh oo dhinaca Istaraatiijiyadda Is-gaar-siinta laga sameeyey iyadoo dadaaladaasna ay ka mid ahaayeen baaqyada la dagaallanka  iyo ka hortagga fikirka rabshadaha wata ee xagjirka ee lagu dhisayey bulshada qaybeheeda  oo taageero gaar ah loo sameeyey iyo dadaallo kale oo looga horjoogsanayey bulshadu inaysan ku biirin tababarrada  xag-jirnimada iyo weerrarada hubaysan, taasoo ah tiirka ugu dambeeya Istaraatiijiyadda heer Qaran.

Cidda ka dambaysa Fikirka Rabshadaha wata ee Xagjirka

 

Darasaado xiriir ah oo  sii kordhaya oo laga  samaynayey fikirka rabshadaha wata ee xagjirka, ayaa muujinaya  labo qaab oo bar-barro ah oo ah kuwa ka dambeeya caawinta shakhsiyaadka taageera  Ajenadda fal-dambiyeedka dhinaca xagjirnimadaiyo/ ama ka qaybgalka kooxaha Xagjirka. Qaabka hore, waa mid loo badan yahay waxa ku khasbaya oo lagu tilmaamo“Isirrada ku tir-tir-siiya inuu dib-uga gurto.”- (push factors), kuwani waa xaaladaha qaab-dhsimeedka guud— horumarka oo liita, fursado waxbarasho la’aan, bulshada oo faruuqda ama gacan-bidixaysa,Tusaale— arrin iyaga u gaar ah, ama waxay u badan tahay labadooda oo is-biirsaday iyo Isirro kale,ayuu qofku ku dareemi karaa caro ama is-ciil-kaambi, ku xambaarta inuu qofku ku biiro kooxaha Aragagixisada ah. Waxa dhici karta in caradaas ay ku beeraan bulshada uu la nool yahay ee uu la wadoogo dhaqanka, fikirka, diinta ama xirriirka isirka uu ka soo jeedo, xitaa haddii aysan isku meel ku wada noolayn.

Qaabka labaad ee Isirrada la tilmaamay, waxaa ka mid ah nooca loo yaqaan “Soo- jiidashada”(pull factors), Isirraddan waxa lagu tilmaamaa inay leeyihiin dhiirrigelin deg-deg ah inuu qofku yeesho ficillo rabshado iyo argagax leh ama uu kooxo dalbado— waxaana ka mid ah; soo jiidashada shakhsi hoggaamiye ah, leh awood Istraatiijiyad is-gaarsiineed iyo farriimo soo jiidasho leh, dano dhaqaale, iyo agab kale oo qofku ku qanco, ama xaalad bulsho oo ay koox bulshada ka mid ah u aragto inay horumar ku gaarayaan haddii ay ku biiraan xagjira ama koox hubaysan.

Waxa jira khubaro dhaqalaha ku-xeel-dheer iyo dad gudaha ku jira oo xog dheeraad ah ka haya arrimahan iyaga ah laakiin waxa jirta baahi weyn oo ku saabsan in la qaabeeyo labada Isir ee daraasaddu ku  qotonto ee Dib-uga-guarshada iyo Soo-jiidashada (Bush and Pull Factors), si la isku waafajiyo nidaamka heerarka  Cilmi-baarista, celiska ku salaysan.

Waxaa kaloo jira baahi lixaad leh oo loo qaato cilmi-baaris ballaaran oo tayo leh, iyadoo xog dheeraad ah laga soo uruurinayo qaybaha ay daraasaddu khusayso, islamarkaana waraysi iyo baaritaanno lagu samaynayo, si loo xaqiijiyo dadka ka dambeeya fikirka rabshadaha wata ee xagjirka marka loo eego nuxur ahaan sida ay dadka Soomaalidu qabaan, taasoo iftiimin karta asaaska raadad qeexan oo wax ku kordhin kara siyaasadda iyo mas’uuliyiinta u xilsaaran maaraynta barnaamijkan.

Hagaajinta Xogta Asaasiga ah

 

Wa lagama maarmaan inaynu si adag u dhisno islamarkaana aan asaas adag u samayno, darasaadkeenna, kuwaasoo si toos ah uga tarjumaya caqabadaha inoo gaarka ah ee la xiriira fikirka rabshadaha wata ee xagjirka ee hor yaalla dalkeenna iyo gobolkeenna. Qaar ka mid ah xog hor-dhac ah oo wax-ku-ool ah  ayaa jirta. Tusaale, waraysiyo laga qaaday 88 dagaalyahanno Al-shabab ka tirsanaa magaalada Muqdishu September 2014, ayaa tilmaaamay in dhiirrigelinta dhaqaale ay ka mid ah tahay Isirrada sida xad-dhaafka ah u dhiirrigeliyey ku biiritaanka al-Shabaab.[6]waxayna waraysiyadasi tilmaameen in wiilasha yar yar ay si buuxda ugu biireen kooxdaas kaddib markii loo qaybiyey Telephone-ka gacanta(mobile phones) loona ballan qaaday ilaa $50 bishiiba.[7]Waxan kaloo iyana ogaannay inaan tababarrada tooska ah aysan ahayn tubka keliya ay ku helaan dhallinyarada lacagaha dhiirrigelnta ah ay siiyaan. Waxaa kaloo kaalin muhiim ah ka qaata “kala qaybinta magaalooyinka waaweyn iyo kuwa yar yar oo ay kooxdu  mushaaraad ka siiyaan oday-dhaqameedyada dhulka miyiga ah ku nool iyo qabiilladooda. Waxay kaloo awoodeeyaan ragga da’da yar, gaaar ahaan kuwa ka soo jeeda qabiillada laga badan yahay ama beelaha tirada yar ka sooo jeeda, si ay ku badbaadsadaan beelahooda iyo xubnaha qoysaskooda.”[8]Qaabkani waa mid iska caadi ah oo ay adeegsadaan argagixisada caalamiga ah, halkaas oo kooxuhu ay doonayaa inay ku dhiig-miirtaan qaabab; Isir, Qabiil,  iyo Mad-hab, si markaas xiisaduhu u dhexmaraan dhinacyada is haya, ayna ku gaaraan hadafkooda.

 

Istaratijiyadda Is-gaarsiinta

 

Waxaa kaloo loo baahan yahay in la helo daraasad gaar ah oo ku wejehan xogta Istaraatiijiyadda Is-gaarsiinta ka hortagga ama saadaalinta ku dhisan , gaar ahaan, deegaannada u baahan in laga sameeyo wacyi-gelin lagaga hortagayo fikirka gurradan ee diinta laga fidinayo ama loo diyaariyo barnaamijyo  dicayadahaas looga hortagayo.  Sida xogta wanaagsan ee caalamiga ahi tilmaantay, hay’adaha dawladda oo keliya lagama maarmaan uma ahan inay is-gaasiinta taabbagalka ah ay keligood qabtaan. Sidaas awgeed, waxa jira sida la xaqiijiyey inay saamayn  weyne ku leeyihiin  dadka tabaalaysan oo gaarsiin kara xogta, kana soo saari kara goobaha ay ka jiraan fikirka rabshadaha wata ee xagjirka, si ay ugu soo biiraan bulshada inteeda kale.  Waana muhiim in la dhiso wacyiga iyo aqoonta xubnahaas muhiimka ah, loona oggolaado inay horumariyaan xirfaddooda dhinaca is-gaarsiinta, iyagoo ka qaybgalaya kannaallada Idaacadaha, telefeshinnada, Shabakadaha Internet-ka iyo ka qaybgalka khadadka  tooska ah ee telephoonnada. In xoogga la saaro tallabooyinka caynkan ah waa lagama maarmaan, iyadoo barnaamijyada saamaynta weyn leh ay xaqiijin karaan guulo muhiim u ah hawlaha hagaajinta is-gaarsiinta, iyadoo qiimuhuna  uu yahay mid aad macquul u ah.

Waxa kaloo loo baahan yahay in la  meel-mariyo tabbarro deg-deg ah iyo sidoo kale ololayaal lagu xoojinayo  dulqaadka , laguna dhisayo kalsoonida bulshada iyo hay’adaha dawladda inta lagu guda jiro hawlgallada ka hortagga iyo la dagaallanka  fikirka rabshadaha wata ee xagjirka ee ka dhanka ah  Al Shabaab iyo barnaamijyadooda wax-duminta ah. Tani waxay u baahan tahay waqti dheer, dadaal, maalgelin dhaqaale,  iyo in la adeegsado kannaallo fara badan si lagu gaaro qaybaha kala duwan ee bulshaweynta Soomaaliyeed iyo dhagaystayaasha/daawadayaasha caalamiga ah. Qaar ka mid ah hal-ku-dhegyada Af-Soomaaliga ee loo adeegsanayo Ololayaasha  waa dib-u-eegis lagu sameeyo, iyadoo qaab muuqaal ah lagu muujinayo ololayaasha ‘carruurta ay AS u adeegsadaan fikirka rabshadaha wata ee xagirka, si loogu dhiirrigeliyo inay ka soo goostaan dhallinyada, islamarkaana la tilmaamo inaysan AS ahayn dad si hufan diinta ugu dhaqmaya, xaaladdooda iyo fikirkooda , iyadoo la naqshadaynayo             (qaabab looga hortagayo dicaayadaha aan xaqiiqda ku dhisnayn ee AS ay adeegsadaan) waana in la soo bandhigo caddaynayo la xiriira qaababka ay carruurta dagaallada u geliyaan; lana soo saaro sida  posters, wargaysyo, buugaag maaweelada, iyo agabka kale ee Ololaha loogu talo galay.  Adeegsiga warbaahinta bulshada ee (social media) waa arrin aad muhiim u ah, maadaama ay arrintani la xiriirto goobo deegaan oo ay mar hore kooxaha Argagixisadu si baaxad leh u adeegsan jireen Aaladaha warbaahinta bulshada sida; (Twitter, Facebook iyo noocyada kale ee war-is-gaarsiinta).

Waxaa kaloo lagama maarmaan ah  in xogta lagu baahiyo deegaannada fog fog, iyadoo la adeegsanayo qalabka is-gaarsiinta ee istaratiijiyada heer Qaran. Waana in dhallinyarada lagu abaabulo iyadoo la bar-tilmaameedsanayo dugsiyada, Macaahidda iyo Jaamacaha.  Sidoo kale, tirada maamullada ururrada diimeed, waa in la dhiirrigeliyaa sidii  ay fatwas ka dhan ah Al-Shabaab u soo saari lahaayeen. Waana in la horumariyo aragtida ay dadweynuhu ka qabaan Ciidammada Ammaanka dawladda Soomaliya & waxqabadkooda, waana in la dhiirrigeliyaa  farriimaha lagu gudbinayo qaab togane ah oo waafaqsan  waddaniyadda iyo kalsoonida shacabku uu ku qabo. Tallaabooyinka dhinaca ammaanka ee heerka bulshada ku salaysan, waa in la taageeraa sida; ‘Feejignaanta deegaanka’‘, Waana in hay’adaha amniga farriin ahaan lagu soo wargeliyaa ciddii laga shakiyo.

Qalabka is-gaarsiinta ee istaratiijiyada heer Qaran, waa in lagu  meel-mariyaa qaabka waxqabadka dadban ee lagula dagaallamo hannaanka ay Al-shabab sida;  munaasabadaha dhaqanka, shirweyneyaasha dib-u-heshiisiinta, mudahadaadyada looga soo horjeedo Al-shabaab, tartan dhaqameedyada qaybaha kala duwan ee fanka iyo hal-abuurka ee dalkoo dhan lagu qabto, sida; (muusikada, Gabayada, farshaxanka, jaantusyada & sawir-gacmeedyada) iyadoo sidoo kalena dadka ka tanaasula al-Shabaab lagu daabaco baraha twister-ka iyo noocyada aan dabiiciga ahayn ee dhaqanka Soomalida. Dadka caanka ah iyo Mas’uuliyiinta magaca ku dhex leh Soomalida, waa in lagu dhiirrigeliyaa  inay matalaan sida “Danjirayaal sharafeed oo kale” iyagoo ka tarjumaya dhaqanka & Hiddaha qaaliga ah ee bushada Soomaaliyeed.

Maadaama P/CVE uu yahay dhacdo caalami ah, taageerayaasha caalamiga ah ee Soomaliya, waxay iyaguna leeyihiin fursad weyn oo ay kaga qaybgeli karaan dagaalka ka dhanka ah xagjirka, iyagoo gacan ka gaysan kara abaaulka dhaqaale uruurinta qaybaha is-gaarsiinta ee ka mid yihiin; CT iyo  P/CVE.

Daryeelka iyo  Xannaanaynta Maleeshiyaadka ka soo goostay Al-shabaab

In gacan laga gaysto hoos-u-dhigidda halista dagaalyahannada dib-ugu-soo noqonaya bulshada, iyadoo la dhawrayo xuquuqdooda Aadamiga, taasoo ah mas’uuliyad  weyn oo waajibaad  gaar ah leh, waana Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Istaraatiijiyadda Qaran oo ah waaxdeeda u xilsaaran ay dhawraan badbaadadooda. Meel-marinta ahmiyadda qaabka loo dhigayo xuquuqul insaanka nuxurka ay leedahay, waa inaan lagu gabood-falin.  Tan macneheedu ma ahan niyadsami iyo arrin dhinaca anshaxa ku kooban. Casharadii laga bartay min falalka argagixisada ah ee heer caalami, ayaa si cad u qeeexaya, diidmada  xuquuqul insaanka asaasiga ah, waxa keliya ee ay u adeegtaa, waa inay si baahsan u dhiirrigeliso naxariis iyo taageero sababaha  fikirka xagjirka ah sameeyaan, iyagoo sidoo kale aan la siinin dhiirrigelin kuwa ka soo goostay, si looga fogeeyo falal dambiyeedka.

Barnaamjijkeenna Heer Qaran ee daryeelka iyo  xannaanaynta maleeshiyaadka ka soo goostay ee gudaha Soomaaliya, wuxuu ku guulaystay natiijooyin wax-ku-ool ah, iyadoo ay sii kordhayso taageerada ay u fidinayaan la-hawlgalayaasheenna caalamiga ah. Waxaan imminka leennahay afar xarumood oo laga helo adeegyada kala ah; Hoy, Badbaado, iyo  tababarrada dhinaca farsamada  oo la siiyo maleeshiyaadkii hore uga tirsanaa Al-shabaab oo lab iyo Dheddigba isugu jira. Wuxuu Barnaamijkani gacan ka siiyaa fursadaha ay dadku dib-ula midoobayaan bulshada is-dhexgalkeeda, ayna horumarinta kaga qaybgalayaan, iyagoo u hoggansamaya sharciga iyo kala dambaynta, taasoo fursad noo siinaysaa inaan wax ka baranno hab-raacyada tabbarada iyo xag-jirnimada. Haddaba, marka la adeegsanayo nuxurka Istaraatiijiyadda Is-gaarsiinta ee Istaraatiijiyadan, waxaa la xaqiijin doonaa in maleeshiyaadka la dhaqan-celiyey lagu wargelin karo;  iyadoo mararka qaarkood loo soo gudbiyo farriimo wax-ku-ool ah, kuwasoo suuragelin kara in qaar kale ay ka soo goostaan qaybaha kala duwan ee argagixisada iyo xag-jirnimada ku  weli ku jira.

 

Isuku-duwidda iyo qiimaynta

 Wadajir in loo Wada-Hawlgalo Geedi socodka horumarinta istaraatijiyad oo intaasu waxay ahayd lagama marmaan  loo dhan yahay . In ka badan casharadaas  oo ka mid ahaa  sideedii bilood ee la soo dhaafay , waxaan la soo shaqeeyay daneeyayaasha muhiimka ah ee maamul goboleedka , degmooyinka , wasaaradaha muhiimka ah  la xiriira , iyo bulshada rayidka ah ee ku sugan goobaha bulshada oo ay ku jiraan kooxo dhallinyaro , ururrada awoodaynta haweenka , hoggaamiyayaasha diinta , qurba-joogta ,  ganacsiga gaarka loo leeyahay , iyo hay’adaha kale ee heer qaran , heer gobol , iyo kuwa caalamiga ah .   Kulan ka mid ah daneeyayaasha si ay u horumariyaan xeeladaha ,oo ay ku jiraan jidka- wasaaradaha iyo wakiillo ka socda maamul goboleedyada ,Maajo 2016

 

DhallinyaradaCarruurta iyo dhallinyarada inta badan waxay yihiin dhibbanayaasha u hoggaansama karbaashka xag-jirnimada iyo rabshadaha . kooxaha xag-jirka ah waxay si xawli leh u qortaan carruur, kuwaasoo aan qaan-gaar ahayn  , dhallinyarada ayaa u nugul in lagu hoggamiyo dabinnada ururrada qaarkod sida; kooxda al-shabab  , kuwaasoo ku bixiyaan mushaar , hadiyado ( kaas oo noqon kara mid fudud sida telefoonka gacanta ) . waxa lagu dhirrigeliyaa dareen lahaansho iyo yabooh ballan qaad been ah oo farxad geliya . Inta badan  dhailinyarada wey u hoggaansan yihin sharciga iyo rabitaankooda  noloshooda wanaagsan oo nabadda  naftooda , qoysaskooda iyo bulshooyinka , taasoo ah  farxadda mustaqbalka . Waxaan u baahannahay inaan xoojino tayo-gelinta dhallinteena, inaan u shaqeyno maahan dhallinteenu balse waa inaan la shaqeynaa.waa waajib ina saaran inaan soo shaac  bixino kartida dhallinteenu ay leeyihiin;  si ay uga qeyb qaataan kobcinta nabadda, horumarka, caddaaladda iyo is-fahamka dalkooda Soomaaliya.  Barayaasha iyo ArdaydaWaxbarashadu waxay ka mid tahay qayb muhiim ah ka hortagga xag-jirnimada iyo rabshadaha . Waxay ka ciyaari karaan door muhiim ah taasoo ka caawin karta  dhallinyarada inay fogeeyaan xag-jirnimada , bartaanna farriinta nabadeed ee Islaamka ee aan ka helno hanuun.Ayaga,dhalinyarada ah waa inay iska ilaaliyaan waxyaabaha ‘ damaaciga soo jiidayashada leh’ ee ku hoggaamiyo is-diiwaangelinta xag-jirnimada. Arrinta aan diiradda saarayno  waxbarashada oo keliya ma aha ee waa  inay ku saabsantahay mawduca  iyo Manhajka waxbarasho ; sidoo kale waa inay saameyn ku yeelataa kobcinta xiriirka u dhexeeya dadka iyo bulshooyinkooda si loo xaqiijiyo jawi nabdoon , iskaashi iyo wax dhisid ah .  jilayaasha ugu saameynta badan waxaa ka mid ah macalimiinta , qoysaska , ardayda kale , iyo madaxda bulshada maxalliga ah ( oo ay ku jiraan ganacsiga gaarka loo leeyahay ) . Hawlgelinta ee jilayaasha kuwaas oo loo arkay lagama maarmaan ah in la hubiyo joogtaynta dadaalka iyo sii jiritaanka kadib sacadaha dugsiga.

 

Haweenka Haweenku waa koox kale oo bulshada kuwaas oo inta badan isku arkaan  jiidda hore ee rabshadaha iyo argagixisada . Waxay leeyihiin door muhiim ahoo ay ka qadan karan ka hortagida argagixisonimada maadaama ay yihiin soo saaraha dhaqalaha qoyska,joogana gurigooda iyo bulshada dhexdooda.Taasi waxay u sahli kartaa oggaanshaha is-bedddelka dabeecadaha dhallinyarada iyo bulshada ay la nool yihiin, lana imaadaan nidaam looga hortagi karo.Waa in laga faa’iidaysto,  waayo -aragnimada , aragtiyo iyo aqoonta haweenka iyo gabdhaha waa arrin  muhiim u ah horumarinta wargelinta , xaalladaha  khuseeysa iyo mashaariicda ka hortagga waxyeellada bulshada.  Waaxda Ganacsiga gaarka ah Qaybta gaarka , oo ay ku jiraan ganacsatada maxalliga ah iyo maal-gashadayaasha ajnabiga , waa lammaane cad oo lagama maarmaan ah in dadaalka aan ugu jirno in ay ka hortagaan oo looga hortago xag-jirnimada  . xag-jirnimada waxay u xun tahay ganacsiga . Waxay burburisaa  suuqa iyo awoodda milkiilaha ganacsiga daacad ah inuu si xor ah u ganacsado . Waxay cabsi galinaysaa macaamiisha , hakisaa silsiladda sahayda , hakisa dhaqdhaqaaqa badeecadaha iyo dadka , daciifisaa shirkadaha ganacsiga iyo macamilka hoosna u  soo celisaa  maalgashiga guud ahaan ee gobollada oo dhan . Barwaaqada waxay ku dhismi kartaa xasiloonida ,  maalgashiga ka hortagayo xag-jirnimada  waa maalgelin ah.      Koritaanka mustaqbalka dalkeenna iyo dadkeenna . Waxaan u baahanahay inaan qaadno tallaabo dheeraad ah si aan uga qeybgelino  bushaweynta ganacsatada ah  iyo kuwa ganacsatada gaarka ah,  si firfircoon, ma aha oo kaliya  dhaqaale , laakiin , fahmaddooda, tayo , xirfadaha iyo kartida ee naga caawin karta dhallinta ganacsi sharci ah oo bixiya fursado dhaqaale iyo barwaaqo  u leh mustaqbalka .

 

Bulshada Rayidka

 

Waxaan  nasiib u leennahay  ururrada bulshada rayidka  oo ka shaqeeyaan bulshooyinka reer miyiga ah iyo magaalooyinka ku yaalla Soomaaliya. Waxa ay si firfircoon kugu hawlan yihiin wax ka qabashada faafinta xag-jirnimada oo ay ku bixin ka hor inta aysan soo bixin kalimadda xag-jirnimada. Waxay ka shaqeeyaan heer bulsho oo ku saabsan arrimaha fikirka rabshadaha wata ee xagjirka P / CVE-khuseeya. Tani waxaa ka mid ah hirgelinta mashaariicda horumarinta heer qoys, bixinta gargaarka bini’aadminimo, awoodaynta  beelaha la liido, ilaalinta xuquuqda aadanaha, hagaajinta maamulka, ballaarinta ka qaybgalka siyaasadda, awood dhallinyarada iyo haweenka, fududaynta wada hadal u dhexeeya iyo degmooyinka kala duwan , iyo ka hortagga iyo xallinta colaadaha. Iyagu waa lammaane muhiim ah dadaalka loogu jiro in laga hortago xag-jirnimada. Waxay caawiyaan dadka liito iyo kuwa nugul si codkooda loo maqlo, waxay bixiyaan jid fursad leh oo wax lagaga qabto cabashooyinka, iyo ayagoo ka shaqeeya arrimaha gaarka u ah fikirka rabshadaha wata ee xagjirka P / CVE-  taaso ah cilmi baaris lagu sameeyo darawaliinta xag-jirnimada gacanta,  waxay kaloo la shaqeeyaan una caawiyaan dhibbanayasha ay wax ka soo gaareen xagjirka iyo kuwa ka soo noqday fikirka rabshadaha wata ee xagjirka si ay uga qeyb qaataan horumarinta bulshadooda.

 

Qurba-Joogteenna

Waa arrin aad u dhiirrigelinaysa in la arko qurba-joogta soo noqoneysa;  kuwasoo ka qeyb qaata dhismada dalka, inkastoo badankooda dalalka adduunka ku kala maqan yihiin. Waxay yihiin wada-hawlgalayaasha muhiimka ah oo nagala hortago la dagaallanka  xag-jirnimada. Waxaa muhiim ah inayna jirin wax cilmi baaris ah oo sheegeysa in qurba-joogta ay ka qeyb qaataan kooxaha mayalka adag, xag-jirnimada ama  fikirka rabshadaha wata ee xagjirka. Dhab ahaantii , waa hab kale oo ku wareegsan ; Jaalliyada qurbe-joogtu  waa lammaan  muhiim ah oo kaa caawin kara bulshada si looga  ilaaliyo xag-jirnimada iyo duufsigooda . ” Sidaas awgeed waa lagama maarmaan in aan qaadanno  iskaashi  ka dhexeeya Soomaalida ku nool Soomaaliya iyo qurbe-joogta kuna hirgelino xeeladaha waxqabadka.

 

Hoggaamiyayaasha Diinta kooxaha xag-jirka ah waxay marin-habaabiyaan, kana faa’iidaystaan erayada diinta ku xusan . Madaxda bulshada iyo kuwa diintaba waxa looga baahayanyahay inay wacyi-geliyaan oo ay ku hanuuniyaan kuwa la duufsaday si looga hortago rabshadaha mabda’a ku dhisan , ayna keenaan fursado nabadgalyo ah iyo wada hadal xoojinaya isu-dulqaadasho Is-fahan iyo heshiis beelaha dhexdooda. In lal yimaado dulqaad ku salaysan ka tarjumidda Islaamka oo rabshad la’ aan ah, waana lagama marman in xasiloonida la wada ilaaliyo.

Hirgalinta : Qorshe Hawleedka

Qaybtan ugu dambeysa waxay diiradda saareysaa muhiimada is-garsininta oo ku saleysan isku-duwidda , cilmi-baarista , hirgelinta barnaamijka  lagu qiyaaso horumarka , iyo hubinta xeeladuhu inay yihiin kuwo wafaqsan ujeedooyinka.

 

Kaalinta iyo mas’uuliyadda

 

Horumarinta xeeladaha ayaa ah dadaal wadajir ah oo ay ka qeybgelayaan wasaaradaha, khubarada loo qoondeeyey maamul-goboleedyada , iyo sidoo kale la-hawlgalayaasha heer bulsho . Si loo fuliyo xeeladahan,   waa in aan sii waadna wada shaqeeynta, kana wada shaqeynaa aragti iyo ujeeddoyin mideysan, si aan u helno xirir wanaagsan oo isku dafan. Sido kale , waxaa muhiim ah in xilal iyo dor kala duwan loo yeelo wasaaradaha kala duwan ee dawladda , qaybaha , hay’adaha , iyo xafiisyada , iyo sidoo kale dawladda dhexe , gobolka , iyo kuwa maxalliga ah jilayaasha dawladda iyo ururarda aan dowli aheyn , ururada bulshada rayidka ah , bulshooyinka , iyo ganacsiga gaarka loo leeyahay .

 

Doorka Isuduwaha fikirka rabshadaha wata ee xagjirka, P / CVE ah: isaga / iyada ayaa hoggaanka u qaadan xiriirinta iyo hirgelinta xeladaha ah , la shaqeynta  Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha iyo sidoo kale wasaaradaha  khuseeya iyo Maamullada  Gobollada  degmooyinka , bulshada rayidka ah , iyo ganacsatoyinka  gaarka ah. Isku-duwaha waxaa loo xilsaarayaa inuu bixiyo is-garsiinta  macluumaadka , falan-qaynta iyo horseedidda  oo lagu taageerayo dadaalka guud ee dowladda, kuwa gobolka iyo iskashigeenna  kuwa caalamka ah . Doorka  Wasaaradaha: CVE waa jaan- goynta u baahan si taxaddar leh isu-duwidda hay’adaha . Geedi-socodka xeeladahan oo dhan ayaa wuxu ka faa’ iideystey ka qeyb galka firfircoon ee wasaradaha taaso siineyso inay door muhim ah ka qaataan hirgelinta hal-aburradda ku wejehan ka hortegidda rabshadaha mayalka adag.  Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqda Aadanaha, tusaale ahaan,waxay  soo dejinayaan ganacsigooda iyo xiriirkooda  inay la qeyb ka qaadan dadaalka aan ugu jirno in aan gaaro haweenka bulshada dhexdeeda iyo xaquuqta aadamiga ee lagu qeexay bilowga xeeladaha wax qabadka  ee ay  ka mid ah wax qabadka guud. Wasaaradaha Waxbarashada, Warfaafinta, Dhallinyarada iyo Isboortiga, Arrimaha Diinta, caafimaadka, shaqada, iyo kuwa kale oo dhan waxay leeyihiin qayb u gaar ah oo ay door muhiim ah ka ciyaari karaan la shaqeynta seejooyinkooda si ay u hirgeliyaan xeeladahooda. Wasaaradaha Caddaaladda iyo Ammaanka Gudaha ay leeyihiin door muhiim ah oo ay ka caawin karan isku duwida fikirka rabshadaha wata ee xagirka P/CVE- ku haboon shaqadooda, sida Amni-Dhawridda Bulshada ama dhexgalka, iyadoo wax qabadkooda uu u dhigmo xeeladda waxqabadka  ee ku xusan qoraalkan. Wasaarad kasta,  sidoo kale ayaa loo xilsaaray hawlaha (sida uu ku sheegay Ra’iisul Wasaaruhu Oraahdiisa Hordhac a dokumentigan) la xiriira xeeladaha Qaranka iyo hawlahiisa.                                   Doorka Maamul- Goboleedyada sida xiriiriyayaal CVE  Isku-duwidayaal waxay ahaanayaan hoggaanka gobollada  ulana shaqeyn doonaan  si dhow isu-duwaha  Qaranka P / CVE iyagoo marwaliba is-dhaafsan doona wararka hirgelinta xeeladaha dalka oo dhan. Waxa ay noqon doontaa dhaqan wanaagsan in loo isticmaalo qorshahan gobollada oo dhan iyo in la hubiyo in hawlaha isu-duwidda ay ka wada mid yihiin dhammaan qaybaha kala duwan ee dhinacyada ay khuseeya. Doorka hay’adaha aan dowliga aheyn : Marka la eego doorka muhiimka ah in kooxaha bulshada sida rayidka iyo hay’adaha kale ay ka ciyaaraan dadaalka aan ugu jirno iney ka hortagaan xag-jirnimada kajirto Somalia , waxaa muhiim ah in aan  ka qayb gelino hey’adaha aan dowliga ahayn inaynu ka   wada shaqayno iyagoo u madaxbannaan xornimadooda iyo sharaftooda. Samaynta xarunta isu-duwidda oo u oggolaan doonto  isu-duwaha fikirka rabshadaha wata ee xagirjka P /CVE iyo daneeyayaasha kale si ay ula falgalaan hey’adaha aan dowliga aheyn, taasoo caawin doonta inaan gaarno bulshooyinka dalka oo dhan .

Qiimaynta   Iyo La Socoshada

Kormeerka iyo qiimeynta waa shey muhiim ah oo ka mid ah xeeladaha Qaranka iyo hirgelintiisa. Waa lagama maarmaan in la qaato hab firfircoon oo taaban karo sida aynu doonayno inaynu u cabbirno una muujinno saamaynta shaqadayada Jidka bilowgiisa ilaa dhammaadkiisa  wax barnaamijyo ama mashruucyo la qabto  (arrin waliba oo iskeed looga hadli karo looguna tillaabo qaado). Waxaan sidoo kale u baahannahay inaan dabagalno oo qiimayno,  si aan u helno la xisaabtanka, kor loogu qaado waxtarka dadaallada mustaqbalka, iyo go’aamo ku saabsan cidda aynu u qoondeyno khayraadka qaali ah.

Cabbir Sugan

Xag-jirnimada ma ahan arrin guurto ah, Sidoo kale ma ahan xeeladaheenna aan kaga hortageyno. Waxaan u baahan nahay si loo hubiyo in xeeladaheennu in marwaliba ay ku wajahan yihiin ujeeddooyinkeenna; si aan marwalbo cabbir sugan uga qaadanno wax-ka-qabadka dhibaatooyinka murugsan.   Xeeladaha Qiimaynta, waa in  si joogto ah loo cusbooneysiiyo,  taasoo ku salaysan qiimaynta iyo dadaalka aan ugu jirno fulinta, cabbirraada dadaalkeena , Tixgelinta dhacdooyinka cusub iyo xogta cilmi-baarista loo tixgeliyo is-beddellada la taaban karo iyo macluumaadka dalka oo  dhan .

Caabiraadda saxan wareeggooda ayaa hoos ku  muujisan.

 

 

 

 

 Mudnaan-siinta

Dowlad awood keligeed u leh ma jirto, taasoo ah mid dhaqaale si ay uga hortagto arrimaha isa soo taraya  ee dhibaatooyinka xagjirka.  Tan waxa tusale u ah Soomaaliya, taaso nabad gelyadeedu isa soo tareyso laakiin la daala dhacaysa dhaqaale xumi iyo canshuurta oon ku filneyn inay wax ka qabato difaaca dadkeeda iyo dib-u-dhisidda dalkeeda . Waxaan u baahan nahay inaan weyneyno saamaynta  kharash kasta iyo in la hirgelinno mudnaanteenna. Qaybtan waxay qeexaysaa kuwa mudnaanta muhiimka leh.

Hirgelinta Madasha CVE (CVE-IP)  CVE-IP waxa kormeeraya Isku-duwaha fikirka rabshadaha wata ee xagirka  P/CVE oo ay taageerayaan shaqaale ka mid ah ku-xigeenka, sarkaalka macluumaad ah, laba cilmi baare, iyo saddex shaqaalaha maamulka. Hawsha CVE IP ee fikirka rabshadaha wata ee xagirka waxay noqoneysaa inay  horumariyaan oo ay u ilaaliyaan goobta xarun u ah isku-dubaridka saamileyda dawladda ku habboon in wasaaradaha iyo Maamullada gobollada, bulshada rayidka ah, beesha caalamka iyo daneeyayaasha kale ee la xiriira. CVE-IP Waxay la shaqeynayaan  Wasaaradda Warfaafinta, si ay u horumariyaan xeeladaha  is-gaarsiinta oo lagu taageerayo Barnaamijka Qaranka. Tani waxay ka mid noqon doonta sida aan u soo bandigno dadaalkeenna ku saleysan xeeladahan iyo Qorshe Howleedka Qaranka. Hannaankan wuxuu u baahnaan doonaa in lagu maalgeliyo  12 bilood oo  ogolaan doonto xarunta  hormarka CVE , taaso soo saari doonta tababarro shaqaa le joogto ah oo mamuli doona hirgelinta xeeladaha fikirka rabshadaha wata ee xagjirka (CVE)  Soomaaliya, lana shaqayna-hawlgalayaasha gudaha Soomaaliya, guud ahaan Geeska Afrika, iyo meelo ka baxsan. CVE-IP sidoo kale waxey ka shaqeyn doonta kor u qaadista wacyiga iyo tababarka siminnaaro dalka oo  dhan, sida loo bahan yahay , waa in la hela hordhac  isku-tiirsanaanta nabadgelyada, horumarinta, iyo maamul,  wajiyo badan ee looga hortagayo rabsadaha xag-jirnimada, kala duwanaanshaha dhismaha jinsiga, dhaqanka, iyo diinta; iyo muhiimadda ay leedahay xiriirka bulshooyinka gobollada oo ku hawlan kobcinta bulshoyinkooda. Tani waa fure; Kororka wacyi gelinta keliya ma kenayo is-fahan balse wuxuu kobciyaa wax-soo-saarka bulshada, waxa ay sidoo kale ka caawin karaan in la dhiso adkeysiga bulshooyinka iyo inay kor u qaaddo taageerada shaqada saraakiisha safka hore iyo xirfadleyaasha kuwa ay hirgeliyaan fikirka rabshadaha wata ee xagjirka (CVE) ee maalin walba.

 

Taageerada Daneeyayaasha Dowladda

Geedi-socodka lagu abuure xeeladahan waxa loo bahanyahay inay  gacan siiyaan mamulka gobollada . Madaxweynayaasha gobol kasta waa in si rasmi ah ay u  magacaabaan  Isu-duwe P/CV  dhaqaalena   waa in loo qoondeeyo si ay u caawiyaan horumarinta tabaha loo dhan yahay laq dagaallanka fikirka rabshadaha wata ee xagjirka (P/CVE)  iyo la-socodka qorshaha fulinta. Waxaa jiri doona rabshado u bahnaan doonta wax qabad gaar ahaneyd . Gobollada waxaa lagu dhiirigelinayaa in ay isticmaalaan xeeladaha  Qaranka, iyo sidoo kale waa in la hubsaadaa isku-duwayaasha inay la falgalaan isku-duwaha  Qaranka P/CVE inay wadaagaan dhaqanka iyo casharaha  fiican ee la bartay si dadaal lagu gaaro dalkoo dhan.

Wasaaradaha sidoo kale waxay u baahan doonaan  taageero si ay qayb uga qaataan fulinta xeeladaha. Tusaale ahaan waa inay,haystaan kheyraad ay wax uga qaban karaan seejooyinkooda, Tusaale, Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqda Aadanaha waxay la shaqeyn karaan ururradda bulshada rayidka, kuwasoo la shaqeeya,m iskaashina la yeesha  haweenka iyo gabdhaha. Tani waxay u ogolaaneysaa wacyigelin iyo hirgelinta mashruuca inay u qabsoonto uuna  kordho rabitaanka qorshahan si kor loogu qaado iskaashiga dawladda iyo ururradda aan dowliga ahayn taasoo wada gaari karta bulshaweynta dalka.

 

   Bulshada Rayidka

 

Marka la eego doorka muhiimka ah in kooxaha bulshada iyo hay’adaha kale bulshada rayidka ah u leeyihiin in ay ka ciyaaraan in dadaalka aan ugu jirno in ay ka hortagaan oo looga hortago fikirka rabshadaha wata ee xag-jirnimada kajirto Soomaalia, waxaa muhiim ah in la hawlgeliyo  jilayaasheenna  aan dowliga ahayn,  loona ogolaado inay isla shaqeeyaan iyagoo u madaxbanaan xornimadooda iyo sharaftooda . Waxaa loo baahan yahay madal ama xarun lagu wada shaqeeyo ama la isku kaashado una  dhexeysa  ururrada bulshada rayidka ah iyo jilayaasha kale ee bulshada kuna howlan ka hortagga iyo la dagaallanka  fikirka rabshadaha xagjirka (P /CVE) dalka gudaha iyo dalka oo dhan, ka madaxbanaan dowladda. Ujeedooyinka aasaasiga ah ee soo jeedinta waxa ay kala yihiin: 1)      in la hubsaado  in bulshada rayidka ah in si joogto ah ay uga qeybgeliyaan Dowladda Federaalka iyo maamul-goboleedyada iyo sidoo kale deeq-bixiyeyaasha, iyo daneeyayaasha kale xagga Qorsheynta, hirgelinta iyo Qiimeyntala dagaallanka fikirka rabshadaha wata ee xagjirka(P/CVE) 2) In la taageero dhismaha iyo xoojinta shabakadaha ururrada bulshada rayidka( CSO) wada xiriirkooda, si loo hourmariyo iskaashigooda,  lana tayeeyo ka hortagga iyo la dagaallanka fikirka rabshadaha wata ee xagjirka (P/CVE) Gobollada ee gobolka IGAD.

 

Mashruuca muddada gaaban  CVE Qorsheynta , Hirgelinta iyo Qiimaynta  Taageeradani waxay noo suurto-gelineysaa inaan qorshayno, hirgelinno mashruucyo  tijaabo ah oo ku saabsan ka hortagida fikirka rabshadaha wata ee xagjirnimada  heer gobolleed ,heer  maxalliga ah , iyo heer qaran . Waa in la hirgeliyaa wixii oo xirir hoose lala leeyahay wasaaradaha iyo saxiibadda aan wada shaqeyno. Intaas waxaa sii dheer inay bixiyaan jawaab  xaaladeed oo u dhaganta dhibaatooyinka ka imanaya iyo  rabshadaha xag-jirnimada. Kuwaas waxaa loogu talagalay in ay taageeraan goobaha/seejooyinka muhiimka ah ee laga bilaabo dhallinyarada , haweenka , qurba-joogta , hoggaamiyayaasha diinta , iyo kuwa kale sida loo fuliyo mashaaricda ku-lugta-leh maamullada kala duwan ee gobollada ku baahsan dalka oo dhan . Mashaariicda ayaa lagu dooran doono hanaanka tartanka iyo saaxiibada gobollada kuwasoo  ay leeyihiin mas’uuliyadda asaasiga ah ee ay ku  hormariyaan la-tashi iyo  maamul waafaqsan  qoraalka qorshaha Soomaaliya . Cilmi baaristu,  waa furaha isku-xirka  falanqeynta  loo baahan doono ,laga min-guriyo xogta dhaqaale ee  ku saabsan is-beddellada caalamiga ah iyo kuwa maxaliga ah . Tani waxay nooga  faahfaahin doontaa  fahamkeenna  ku saabsan calaamadda ay leedahay fikirka rabshadaha wata ee   xag-jirnimada , habka shaqaalaynta oo la socdo tariikhda iyo hababka cusub ee naqshadaynta , hirgelinta iyo qiimaynta dadaallada ku salaysan caddaymo adag . Cilmi-baaristeennuna  sidoo kale waa in la galin karaa lagana soo bixi karaa  shabakadaha cilmiga gobolka iyo kuwa caalamka lanana xiririn karaa Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Qurbaha in ay curiyaan faham dheeraad ah oo buuxda oo ka mid ah caqabadaha iyo fursadaha bulshada .Xeeladaha is-gaarsiintooda ah waxay ka mid noqon doontaa wadnaha waxqabadkeena. Waxa loo baahan doonaa koox quburo  jog ah oo  karti  leh laguna soo saaro xog-warran  maalin kasta iyo in la hubiyo in fariimaha ay tabiyaan waqtiga loo bahanyahay kuwa adeegayaal ee lagu kalsoonaan karo. Tani waa inay leedahay jawi ku salaysan madallo lagu kobciyo saxaafadda warbaahinta , laga bilaabo digitalka , daacaadda , raadiyaha , iyo TV-ga iyo sidoo kale isticmaalka wacyi dhaqameed oo loo  aburo hab maalinle ah loona gudbiyo dugsiyada , masaajidda iyo goobaha kale ee bulshada . Taageerada barnaamijka iyo mashruuca. Waxa intaa dheer in mudnaanta kor ku xusan inay jirto  baahida loo qabo taageero barnaamijyda ballaaran, si loo  fuliyo xeeladaha heer   qaranka iyo Qorshe Howleedka Qaran . Barnaamijyadan waxaa wacyi-gelin doona, iyadoo ay hoggaamin doonaan xeeladahan la hufay. Waxay soo saari doontaa, kana hortagi doontaa fikirka rabshadaha wata ee  xag-jirnimada, taasoo wax ka qaban doonta dhismadooda iyo  mabda’ooda, tayo gelinta bulshada maxaaliga,  dhisidda isku xirka iyo  wada shaqeyn ka dhexeysa dowladda iyo kuwa dowliga ahayn,  daneeyayaasha kuwasoo awood u leh inay si waxtar leh ay u wada xiriiraan . Dadaalkan wuxu horseedayaa inuu tusaale ka bixiyo mashrucyada wax laga qaban doona waqtiga dhaw.  • Barnaamijyada Waxbarashada oo diirada saaraya caawinta dadka dhallinyarada ah in si fiican loo qalabeeyo  inay iska caabbin ku sameeyaan waxyabaha soo jiidashada leh ee ku dirqiya in loo hawlgeliyo xag-jirnimada iyo fikirka rabshadaha wata inay ka qayb qaataan. Kuwani waxay dhiirri-galin karaan faham qoto dheer oo ah farriinta nabadeed ee Islaamka , kor loogu qaado fahamkooda taariikhda qaranka iyo aqoonsiga , iyo sidoo kale la dhiirigaliyo fahamkooda iyo fikradahooda .  • Taageerada dhibbanayaasha iyo ka badbaadayaasha fikirka rabshadaha wata ee  xag-jirnimada waxay mowjaddani baahinaysaa   codadka dhibbanayaasha iyo sheekooyinka ay soo bandhigaan ee ku salaysan  axmaqnimo iyo Munaafaqnimada  kooxaha rabsho-wadayaasha ee xag-jirka ah iyo sheekooyinkooda. Tallaabooyinka ku habboon ilaalinta xuquuqda dhibanayaasha waa in la xoojiyaa , iyo waa in ay ammaanka , gaarka ah , iyo jirkooda iyo maskaxeedba in la ilaaliyo . • Ganacsatada gaarka ah  Waa in lagu dhiirigaliya iney ku sameyaan maalgashi barnaamijyo ujeedadoodu tahay inay ka hortagan fikirka rabshadaha wata ee xagjirka ah iyo inay taageeraan fikradaha wacyiga iyo tayagelinta  barnmajiyada surtagelinayaan qaababka xiririnta, qalabka isgaarsiinta ,dhaqaale iyo khayraad kale . Tani waxaa ka mid ah ganacsatada maxalliga ah iyo sidoo kale laamaha shirkadaha inay isku biiriyaan maalgelinta si  ay kor ugu qaadaan hawlgalkooda. • Hoggaaminta Dhallinta  iyo tababar-siinta Xoojinta dhallinyarada siiba haweenka si ay uga qeyb qaataan si  firfircoon bulshada , dhaqanka , iyo hormarinta dhaqaalaha  bulshada taasoo wax ka qaban doonta rabsho- wadayaasha xag-jirka kana hortaagi doonto jiidadka u sahla xagjirnimada. • La shaqaynta iyo taageerada madaxda dhaqanka iyo diinta si kor loogu qaado gudaha iyo mabda’a ahaan ka hortagida  rabshada iyha isku-xirka hawlgallada dawladda culumada  , iyo dadaallada kale ee ka dhanka ah fikirka rabshada wata ee  xag-jirnimada . • Isku-duwida dadaallada caalamiga ah ee taageerada xeeladaha Taageridda xeeladdan iyo  qorshahan si loo hubiyo waxtarka ugu badan . Waxaa jira hawlo badan oo dhinaca fikirka rabshadaha wata ee xagjirka (CVE) khuseeya oo ku socdaan deeqda ay bixiyaan saaxiibadeenna caalamiga ah. Khariidaynta Rasmiga ah iyo isku-duwidda farsamo, ayaa ka mid ah qeybaha qorshahan, waxay si fiican u horseedaysaa dadaallada la sameeyo , in la helo meelaha farqiga  leh . Tani waxay sidoo kale xaqiijin doontaa in aan ka fogaanno samaynta nuqullo isku mid ah iyo inaan sare u qaadno isu dheelli tirid iyo midnimo ujeedda leh, kuna saabsan hoos u dhigidda  halista ka imaneysa fikirka rabshadaha  wata ee xag-jirnimada ah.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here